Madaxweyne Muuse Biixi oo Rejo Fiican ka Muujiyey Inay Tartanka Ururrada Ka soo Baxaan Xisbiyo Metela Beelaha Darafyada

Hargeysa (GNN)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inuu rejo fiican ka qabo inay tartanka ururrada siyaasadda ka soo bixi doonaan xisbiyo ku abtirsada Beelaha gobollada Awdal, Sool iyo Sanaag-Bari, si ay meesha uga baxdo aragtida humaagga ah ee laga aamin san yahay in cid gaar ahi Somaliland leedahay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay munaasibad ay ku qalinjebiyeen dufcaddii Afraad ee shaqo qaran, waxa uu sheegay inay tahay markii u horeysay ee siyaasiyiin ka soo jeeda Beelaha Darafyada ee Somaliland ay samaysteen Ururro siyaasadeed, diyaar u yihiin inay u tartamaan sidii ay wax ugu yeelan lahaayeen saddexda xisbi Qaran ee dalka.

Muuqaalka Hoose Kaga Bogo Hadalka Madaxweynaha