Safarka Martiqaadkii Hantidhawraha Dalka uganda u fidiyey dhigiisa Hantidhawraha Qaranka Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Hantidhawraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Axmed Yuusuf Dirir iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa dhawaan kasoo laabtay safar ay ugu kicitimeen Magaalada Kampala ee Xarunta Waddanka Uganda.

Martiqaad rasmiya oo uu hantidhawraha Jamhuuriyada somaliland ka helay dhigiisa dalka uganda ayaa waxay kulamo la yeesheen Hantidhawraha Guud ee Waddanka Uganda Mr. John f.s Muwanga, iyaga oo labada dhinac ay kawada Hadleen sidii iskaashi iyo aqoon-iswaydaarsi caalami ah u yeelan layaaheen labada Dal.