Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay aqoonyahanka gobolka Awdal, waxaana kulanka diiradda lagu saaray horumarinta gobolka, iskaashiga xukuumadda iyo bulshada deegaanka, iyada oo sidoo kalena lagu sharraxay waxyaabaha xukuumaddu gobolka ka qabatay iyo sida ay ugu hagar baxday.
Qaar kamid ah aqoonyahanka gobolka Awdal oo kulanka ka hadlay, ayaa madasha kasoo jeediyey talooyin iyo afkaar muhiim ah oo lagu horumarinayo gobolka iyo guud ahaanba qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo sharraxaad dheeri ah ka bixiyey habab fudud oo bulshada gobolka iyo xukuumaddu u wada shaqayn karaan.