Muwaadin U Dhashay Dalka Jabuuti Oo Mudo 51 Cisho Ah Sifo Sharci Daro Ugu Xidhan Magaalada Hargaysa Iyo Xogta Xadhigiisa

Muwaadin Udhashay Dalka Jabuuti Oo Mudo 51 Cisho Ah Sifo Sharci Daro Ugu Xidhan Magaalada Hargaysa Iyo Xogta Xadhigiisa!
HARGAYSA(GNN)-Muwaadin Udhashay Dalka jabuuti oo lagu magacaabo Cumar Maxamed Nuur (Omer Zohra) ayaa mudo ka badan 29 cisho ah ku xidhnaa xarunta danbi baadhista C.I.D Ee magaalada hargaysa isaga oo aan wax eeda loo sheegin, kadib markii ciidamada Somaliland hargaysa kasoo xidheen 1/10/2022 kaasi oo sida Eheladiisu Noo sheegeen. 30 bishi hore Octna loo dhaadhiciyey xabsiga dhexe ee hargeisa mudada intaasi leeg aan la gaynin wax maxkamada ah si uu uhelo cadaalad lana dhagaysto kiiska loo hayso iyo cida haysataba ee dhibanaha ka ah.
Muwaadin reer jabuuti ahaa ayaa hore u ahaa masuul xil kasoo qabtay dalka jabuuti oo uu ahaa Lataliyaha dhalinyarada ee madaxwaynaha jabuuti ismaaciil cumar geele Ee xisbiga RPP balse markii uu saluugay nidaamka Dawlada u madaxwaynaha ka yahay Geele uu iska casilay xilki uu hayay. taaso sababtay in jidhdil iyo xadhig la isugu daro. waxaa magaalada jabuutina ku xidhna mudo 6bilood ah islamarkaana dawlada jabuuti kala noqotay xaquuqdii si passporkii iyo aqoonsigiiba.
Waxaa sidoo kale iswaydiinle maadama muwaadinkan dawladii jabuuti usoo celisay xoriyadiisa sobobta hadana Somaliland loogu xidhay?
Muwaadin Cumar maxamed nuur oo hada ku xidhan jeelka wayn caasimada Somaliland ee hargaysa ayaa Somaliland soo biday wadan nabad ah dimuqaraadiya xoriyatal qawl leh oo uu ku noolaan karo, balse waxaa kala kulmay xadhig iyo tacadi lagula kacay isagoo calanka somaliland ugu hoos xidhan danbi aanu ka galin, balse loo ciqaabayo dalka shisheeye madaxdiisu eedo ay uhaystaa, isagoo hore baraha bulshada ugaga hadlay kana waramay xadhigiisii jabuuti.
Xadhiga Somaliland gudaheega lagula kacay muwaadin udhashay dalka jabuuti oo asal ahaan kazoo jeeda Somaliland ahna beelaha dega Somaliland gaar ahaan beesha sacad muuse (cabdale sacad) ayaa noqonaya Muwaadinkii labaad ee kazoo jeeda dalka jabuuti ee loo xidho jabuuti ayaad wax ka sheegtay iyadoo hore magaalada gabiley mudo laba bilood ah Uu ugu Xidhaa Aare saleebaan cawleed oo lagu Haystay in uu baraha bulshada ka aflagaadeeyay madaxwaynaha jabuuti iyo qoyskiisa.
Shacabka Somaliland oo iyagu ah shacab kasoo dagaalamay cadaalad daro, xadhig iyo tacadi ay kula kacday dawladii rajiibka ahayd ee siyaad bare ayaa ah shacab garanaya qiimaha ay leedahay xoriyadu, balse waxaa mudooyinka danbe kusoo badanaya dalka jamhuuriyada Somaliland dhacdooyin argagax leh islamarkaana ka hor imanaya qawaaniinta iyo dastuurka uyaala oo gabi ahaanba kazoo horjeeda in qof shacab ah oo aan dalka iyo shacabka Somaliland danbi ka galin in loo xidho dal kale oo aan isagu aqoonsanayn dawladnimada iyo madaxbanaanida Somaliland. Saldhigyadeedana ay noqdaan kuwo layskaga hayso mudo intaa leeg taasi oo qofkasta oo reer Somaliland ku ah xujo hortaala ka hadalkeega iyo in uu ka gilgisho dulmiga lagu hayo shakhsiyaadka uu ugu danbeeyo xadhigiisu Cumar maxamed nuur.