Ururka Qurbejoogga Somaliland ee SSE oo Dacwad Ka Gudbiyey Kooxo Hubaynaya Shacabka Laascaanood

London (GNN)- Daladda Ururrada Qurbe-joogta Reer Somaliland, ayaa Baaq ka soo saaray Xaaladda ka taagan Magaalada Laascaanood.

Daladda Qurbe-joogta Somaliland ee Magaceeda loo soo gaabiyo SSE iyo Ururrada Bulshada Somaliland ee hoos taga, ayaa sheegay in Rabshadaha amniga lidka ku ah ee ka socda Magaalada Laascaanood ay ku lug leeyihiin Kooxo ay ku sheegeen Argaggixiso iyo Qurbe-joog ujeeddooyin kala duwan leh.

Daladda Ururrada Qurbe-joogta Somaliland, ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in Qurbe-joogta Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay gacan weyn ku leeyihiin waxa Laascaanood ka socda isla-markaana ay Ururrinayaan Lacago hub lagu iibiyo, si dhibaato uga dhacdo Sool, arrintaas awgeedna waxay Dawladaha Caalamka ee ay Qurbe-joogto joogaan ka codsadeen inay hoos u eegaan oo ay wax ka qabtaan.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayay ku socodsiiyeen Ururrada Midowga Yurub, UK, Midowga Afrika, Kanada iyo Maraykanka.