Maleeshiyaadka Laascaanood Oo Hub Cusub Ku Weeraray Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Dhirbaaxo Kulul Kaga Jawaabay

Maleeshiyaadka Huwanta ah ee Isku Urursaday magaalada Laascaanood ayaa Caawa weerar duqeyn ah ku Weeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Somaliland ee duleedka magaalada.

Maleeshiyadka Oo Weerarka qaaday fiidnimadii Caawa, ayaa isticmaalayay hubka madaafiicda Goobta oo ay la bartilmaameedsadaeen fadhiisimada Ciidanka, waxaana la rumaysan yahay in hubka ay caawa isticmaaleen yahay saanad milatari oo la soo gaadhsiiyey maleeshiyaadka.