Madaxweyne ku-xigeenka JSL Oo Kulan Ballaadhan la Qaatay Jaaliyadda Somaliland Ee Xarunta Midowga Yurub oo uu bogaadiyey

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyey safar shaqo ku galaa-bixiyey Waddamo ka tirsan Qaaradda Yurub, ayaa xalay kulan ballaadhan la yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee dalka Belgium.

Munaasibadda Kulanka Madaxweynaha iyo Jaaliyadda oo ku qabsoontay caasimadda dalka Belgium ee Brussels oo ah xarunta Midowga Yurub, waxa madaxweynaha ku wehelinayey, Safiirka Somaliland u Fadhiya xarunta midowga Yurub ee Brussels, Ambassador Keysar Cabdilaahi, Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Qandaraasyada Qaranka Cabdicasii Cagaweyne iyo Sheekh Saleebaan Siciid Cali, maareeyihii hore ee Haamaha Keydka Shidaalka Berbera immikana ka tirsan madaxda Xisbiga Kulmiye.