Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka …

Hargeisa(GNN):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf ayaa maanta magaalada Hargaysa kaga qayb gashay kulan lagu dardar gelinayey Ansixinta Siyaasada Gudniinka Fircooniga ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland.
” Waxaan u mahad-celinayaa Wasaaradda Shaqo Gelinta iyo Hay’addaha kala shaqeeyay diyaarinta Siyaasada cidhibtirka Gudniinka Fircooniga ah oo maraysa halkii ugu dambaysay .
Waxaanan ALLE ka baryayaa in tacabka aynu gelinay Siyasadaas aanu noqon mid khasaara .” Ayay Tiri Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland oo Munaasibadaas Ka hadashay .
Alla Mahad Leh .