Hogaan Cusub Oo Maanta Loo Doortay Gudida Beesha Sacad Muuse ee Hoodaale iyo Qodobo Xasaasiya Oo ay Ka Hadleen.

Hargeysa (GNN) – Shir lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa Guddiga Beesha Sacad Muuse ee Hoodaale waxay ku shaaciyeen Guddiga Cusub ee horumarinta Beesha.

 

Shirka lagu shaaciyey Guddiga cusub ee Beesha Sacad Muuse Ee Hoodaale, ayaa waxa ka qayb-galay Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, Aqooyahano iyo qaar ka mid ah Bulshada Sacad Muuse.

 

Marka koowaad, waxa halkaas laga shaaciyey Xubnaha Guddiga iyo sida Beeshu u taageersan tahay heshiiska Aqoonsiga Somaliland ee Itoobiya.

 

Marka labaadna xubnaha ka qayb-galay, ayaa hadallo ka soo jeediyey, iyagoo dadweynaha Beesha ku adkeeyay inay la shaqeeyaan Guddiga cusub

Exit mobile version