Maareeyaha Dekedaha Somaliland Oo Jawaab Ka Bixiyey Dhawaaqii Xasan Sheekh Maxamuud ee Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia.

Berbera(GNN):-Maareeyaha Dekedaha Somaliland Mudane Siciid Xassan C,laahi oo ka Hadlayey madal Xaflad loo qabtay haweenka Xisbiga Kulmiye gobolka saaxil ayaa waxaa uu ka hadlay damacii guracnaa ee Madaxweynaha maamulka muqdisho xassan sheekh Maxamuud ka bixiyey Heshiiska Caalamiga ah ee Somaliland iyo Dawlada Ethiopia ay kala saxeexdeen hordhiciisa, waxaanu maareeye siciid iftiimiyey in xassan sheekh maxamuud arrinta faashilka ahi ay tahay inuu isagu doonayey inuu heshiiska la galo dawlada ethiopia balse aaney ahayn laxejeclo uu ka qabo badda somaliland isagoo xasan sheekh Maxamuud ayaa ku suntan sidan oo kale taariikhda murankii ka dhashay badda somalia ee xukuumadiisu ka iibisay dawlada kiiniya teeramkii hore uu xilka hayey kaas oo shaqsiyaadka ku suntan uu kamid ahaa C,raxman c,shakuur oo kamida ragga sida dhow ay igu xidhan yihiin ee ka tirsan maamulkiisa xassan sheekh maxamuud.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Maareeyaha Oo Ka Hadlaya Arrintaasi.

Exit mobile version