Xasan Sheekhow waxaad ku hadaaqi jirtay
” in Xumaantii hore loogu geystay Somaliland aan looga sii darin”, balse waxad maanta colaadda gaadhsiisay meel aan hore cidi u gaadhsiin.
Waxa maanta soo if baxday midabkaagii dhabta ahaa iyo cadaawadda aad Somaliland u qabto.
Waxba ula maad hadhin Reer Somaliland.
*Somaliya (koonfurtu) intay nabad kugu yeesho colaad kuguma yeesho.*
Mar haddii nabaddii iyo wanaagii idin deeqi waayey, waxan idin leenahay “iska soo mar waa kuu mubaax marinkaad doontaan”.
*Marna taagtiin marna tamartiin.*
Cid kastaa maanta way ka dheregsan tahay in heshiis ku-sheegga Turkigu iyo Somalia uu yahay mid xin iyo xumaan ah oo aad ula jeeddo in aad horumarka Somaliland ku waxyeelayso.
Xaalkaagu maanta waa *”Habar dhaliweyday Aleelo ku waalatay”*.
Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia ma aha mid Turki iyo qeyrkii is-hortaagi. Mashruucani wuu soconayaa, cid horjoogsan kartaana ma jirto.
*Ha karaama seegina habaar la igu kari waaye*
Guul iyo Gobanimo
Somaliland
Qalinkii: Cali Xaruuri
Holland