Ganacsade Xaaji Maxamed Aw Siciid Geedi Muwaadin Qarankiisa Tacab Badan Galiyey oo Kormeeray Dhaam Biyood Cusub.

Mareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeisa Maxamed Cali Daarood ayaa Sidan Yidhi:-Waxaa aan ku soo dhaweeyay Dhaamka Kalqoray maanta Ganacsadaha wayn Xaaji Maxamed Aw Saciid Geedi. Xaaji Maxamed Aw Saciid waxa uu ka midyahay ganacsatada horumarka Dalka ku leh kaalinta wayn.

Ganacsatada reer Somaliland dhamaan haba ku kala duwaanaadaan aragtiyaha siyaasiga ah, waxa ay mudanyihiin in lagu dhiirigaliyo kaalinta horumarineed ee ay dalka ku leeyihiin.

Dhaamka Kalqoray oo ah kan dalka ugu weyn waxa ku dhawaad 20% dhaqaalaha Biyo-xidheenka bixinaya Ganacsade kale oo reer Hargeysa ah, halka 80% kalena ay mas’uuliyaddeeda qaaday Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

Allah mahad oo dhan leh.

Exit mobile version