Wasiirka Beeraha JSL Oo Xilka U Kala Wareejiyey Agaasimaha Cusub Ee Maamulka iyo Lacagta & Agaasimihii Hore Ee Waaxdaasi

Wasiirka Beeraha JSL Oo Xilka U Kala Wareejiyey Agaasimaha Cusub Ee Maamulka iyo Lacagta & Agaasimihii Hore Ee Waaxdaasi

Hargeysa (GNN):- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Axmed Maxamed Habanne, ayaa Maanta xilka u kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Waaxda Maamulka iyo lacagta Fu’aad Cumar iyo Agaasimihii hore ee Waaxdaasi Shabcaan Mawliid Diiriye.

Xafladda xil-wareejinta waxa goob-joog ka ahaa Hantidhowraha Wasaaradda Beeraha Yuusuf Siciid, Agaasimaha waaxda Shaqaalaha Axmed-werdi Xasan iyo Masuuliyiin kale.

Agaasimihii hore ee Maamulka iyo lacagta ee Wasaaadda Beeraha Shabcaan Mawliid Diiriye oo halkaas ka hadashay, ayaa ka warrantay waxqabadkeedii muddada ay xilka haysay iyo dedaalkii ay samaysay.

Agaasimaha cusub ee waaxda Maamulka iyo lacagta ee Wasaaradda Fu’aad Cumar, ayaa isaguna halkaas ka sheegay inuu sida ugu wanaagsan waajibkiisa u gudan doono.

Gebogabadii, Wasiirka Beeraha Axmed Maxamed Habanne, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey sida Agaasimihii hore ee Maamulka iyo lacagtu ay waajibkeeda u gudatay muddadii ay xilka haysay.

Sidaas oo kale, Wasiirku wuxuu Agaasimaha cusub ee Waaxda Maamulka iyo lacagta ee Wasaaradda kula dardaarmay inuu waajibkiisa u guto sida ugu wanaagsan.
……….
Madaxa Xafiiska Warbaahinta Ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland
Cabdiqaadir A. Carab

Exit mobile version