Magaalada Hargeisa Waxaa maanta laga daahfuray Carwo lagu soo bandhigayey agabka kala duwan ee uu ku xardhan yahay calanka jamhuuriyada somaliland.
Carwada oo ay soo agaasintay Shirkada sagal jet uguna talo gashay sidii ay shacabka Jamhuuriyada somaliland ku heli lahaayeen munaasibada xuska maalinta qaran ee 18may astaanta calanka Jamhuuryada somaliland soo heer caalami ah loogu soo xardhay dharka noocyadiisa kala.
Gudida heer qaran ee madaxweynaha Jamhuuriyada somaliland dhawaan u magaacabay qaban qaabada Xuska 18may oo booqday carwadan ayaa ku amaanay dadaalka ay samaysay shirkada Sagal Jet oo la dareen ah bulshadeedu.
ugu horeay Waxaa halkaasi ka hadlay sharaxaad koobana ka bixiyey gudoomiyaha shirkada Sagal Jet Aqoonyahan Cabdi Yuusuf Aar.