𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐎𝐨 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐨𝐨𝐝𝐢𝐢 𝐔 𝐇𝐨𝐫𝐫𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐄𝐞 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟕.

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐎𝐨 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐨𝐨𝐝𝐢𝐢 𝐔 𝐇𝐨𝐫𝐫𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐄𝐞 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟕.

 

………………………………………………………………………………………

𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐢𝐬𝐚, 𝟏𝟓 𝐉𝐮𝐥𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟔 (𝐖𝐌&𝐇𝐃𝐡) –

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL 𝐌𝐝. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐞𝐧, ayaa maanta guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚,

kaas oo ku saabsanaa diyaarinta iyo dejinta jihooyinka guud ee Miisaaniyadda Dawladda ee Sannadka 2027.

 

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen xubnaha Guddida Siyaasadda Miisaaniyadda ayaa diiradda lagu saaray go’aaminta arrimaha aasaasiga u ah diyaarinta Miisaaniyadda Dawladda ee 2027, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:

 

● Dejinta 𝐱𝐚𝐲𝐧𝐝𝐚𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟕 (𝐁𝐮𝐝𝐠𝐞𝐭 𝐂𝐞𝐢𝐥𝐢𝐧𝐠)

● 𝐆𝐨’𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐦𝐮𝐝𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐣𝐢𝐡𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐤𝐡𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟕 si ay ula jaanqaaddo qorshayaasha horumarineed ee Qaranka

● Falanqaynta iyo ansixinta 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐡𝐚𝐠𝐚𝐲𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟕, iyadoo la eegayo dhinacyada dakhliga iyo kharashaadka dawladda.

 

Intii uu kulanku socday waxa sidoo kale diirada lagu saaray muhiimadda ay leedahay in Miisaaniyadda 2027 lagu saleeyo kobcinta dakhliga gudaha, ilaalinta anshaxa maaliyadeed, kor u qaadista hufnaanta iyo isla xisaabtanka iyo mudnaansiinta adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka.

 

Kulanka waxa ka qayb galay xubnaha Guddida Siyaasadda Miisaaniyadda oo ay ka mid yihiin:

● Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha

●Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

●Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha

●Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

●Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

●Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada

●Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

●Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha.

●Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha

● Xisaabiyaha Guud ee Dawladda.

 

Kulankan ayaa ah bilowga geeddi-socodka diyaarinta Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka 2027, iyadoo Guddidu sii wadi doonto kulammo iyo falanqayno lagu xaqiijinayo in miisaaniyaddu noqoto mid ku dhisan mudnaanta qaranka, isla markaana taageerta koboca dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta himilooyinka horumarineed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

● 🆇/ 𝗧𝘄𝗶𝘁𝘁𝗲𝗿 :

https://x.com/i/status/2077329333715398925

● 𝗪𝗲𝗯𝘀𝗶𝘁𝗲 :

https://www.slmof.org/news/ee8988c1-8836-457f-9a1c-9c7f6e229885

 

=𝑾𝒂𝒃𝒊𝒍𝒍𝒂𝒂𝒉𝒊 𝑻𝒂𝒘𝒇𝒊𝒊𝒒=

Reach US At :

00252634243848

XULASHADA GNN





Documentary ka hadlaya Dib-u-dhiskii Somaliland

Shirkii Tawfiiq ee Sheekh 1992

Exit mobile version