Xiriirka kubbada cagta Afrika ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (CAF) ayaa soo saaray 5-ta laacib ee isugu soo haray abaal marinta laacibka ugu fiican sanadka ee qaarada Madoow. Waxaa laga soo tagay xiddigo waa wayn sida Kelechi Iheanacho, Ahmed Musa iyo John Obi Mikel.
5-ta ku tatameysa abaal marinta laacibka ugu fiican Africa ee 2016 ayaa kala ah.
Pierre-Emerick Aubameyang of Gabon and Borrusia Dortmund
Riyad Mahrez Algeria Leicester
Sadio Mane Senegal iyo Liverpool
Mohamed Salah Egypt iyo Roma
Islam Slimani Algeria iyo Leicester
Halka 5-ta laacib ee iyana u sharaxan abaal marinta laaacibka sanadka 2016 ee xiddigaha Africa ee ka ciyaarta isla qaarada Afrika ay kala yihiin.
Khama Billiat Mamelodi Sundowns iyo Zimbabwe
Keegan Dolly Mamelodi Sundowns iyo South Africa
Rainford Kalaba TP Mazembe iyo Zambia
Hlompho Kekana Mamelodi Sundowns iyo South Africa
Denis Onyango Mamelodi Sundowns iyo Uganda
Min 5-ta xiddig ee isugu soo baxay abaal marintan ayaa ku soo baxay codod ay ka kala heleen xubno ka tirsan guddiga warbaahinta ee CAF, Guddiga farsamada iyo hormarinta ee CAF iyo 20 xubnood oo ka tirsan khubarada sare ee guddiga.
Guuleystaha laacibka ugu fiican Afrika iyo laacibka ugu fiican Afrika ee ka ciyaara isla qaarada Madoow ayaa lagu dhawaaqi doonaa Khamiista 5-ta Janaayo xaflad ka dhici doonta Abuja ee dalka Nigeria