Ardeyda Somaliland waxaa laga caawin doonaa is qorista Jaamacadaha kala duwan ee Dalka Ruushka madaama ay furantay is qoristii sandka cusub

                    Admission are open for academic year 2017- 2018

A) Marka hore, Waxaanu immigration ka dawlada Federaalka  ee Ruushka ardayga uga codsanaynaa  warqad cadeynaysa in uu helo ogolaansho buuxda oo waxbarasho  Dalka Ruushka ah , Waa inta aanu wada buuxin shuruudaha waxbarasho ee aanu Safaarada ka doonan Visaha Waxbarasho ee Jaamacadaha lagu galo.
B)  Hadii Ardeygu uu buuxin waayo Shuruudaha Waxbarasho ee Jaamacadaha dalka Ruushka amase uu bixin kari waayo oo qaali ku noqoto fiiga waxbarasho ee Jaamacadaha dalka Ruushku waxaanu ka caawindoona  Ardeygaa ama ku dhiiri gelinaynaa una fududeyn doonaa  in uu Ardeygaasi uu waxbarasho kale oo Jaamacadeed uu ka dalbado Dawladaha kale ee Ukrain, Gorgia iyo Belarus. amase waxaanu ardayga  siin doona una gunti doonaa Talooyin hufan oo uu ku heli karo Full scholarship ama uu ku geli kara Jaamacadaha Dawlada ( State Universities ) oo iyaga fiigoodu had iyo jeer uu aad u jaban yahay Jaamacadaha Private ka ah.
C) Hawshan aanu u fududeynayno Ardeyda JSL waxaanu u haysanaa sharci buuxa, waxaana noo igmaday Hayadaha ay arimahani khuseeyaan sidaa daraadeed mar kastaba waxaad naga filataan waa adeeg hufan, talo sugan, cadaalad iyo gacmo furan.
 Hawl-fududeyntaa aanu ku caawin-doono Ardeyda Somaliland ee jecel in ay wax ka bartaan  Jaamacadaha Dalka Federaalka ee Ruushka ama se dalalka ee Ukrain, Gorgia iyo Belarus waxaa ugu  muhiimsan oo aanu ardeyda ku saacidi doonaa  qodobadan hoose:
1- in aanu la xidhiidhno ardey walba goobta uu joogo ee uu dalabka waxbarasho ka sameystay markaa
2- in aanu ka caawino ardeyga sidii uu u dooran lahaa Jaamacada uu rabo ee uu fiigeeda awoodo
3- In aanu ka caawino sifaha maadada loo doorto iyo sifaha loo buuxiyo shuruudaha ku xidhan madadaa uu dooratay
4- in aanu ka caawino xujooyinka ( credit points ) lagu galo Jamacadaha wanaagsan ee dalka Ruusha ku yaala.
5- in aanu ka caawino warqada ogolaanshaha waxbarashada sare ee Visaha u fududeynaysa
6- In aanu ka caawino caqabadaha xaga immigration oo uga soo qaadno immigrationka warqad ah (Vise support letter )
7- In aanu ka caawino ardayda si ay u maraan baadhis caafimaad oo qeexaysa in aanay qabin xanuunka dilaaga ah ee AIDS.
8- in aanu Visaha waxbarasho kaaga soo qaadno Safaarada Ruushka ee markaa kuugu dhow goonta aad joogto
9- In aanu dhamaan Shahaadaha uu ardaygu sito uga sharciyeyno (legazation ) Safaarada iyo Hayadaha ay khusayso oo  dhan
10- In aanu markasta dhex dhexaadino hadii ardayga iyo Jaamacadu is afgaran waayaan
Marka uu ardaygu gaadho Dalka Ruushka ama dalka kaleba waxaanu ka caawinaynaa qodobadan hoose:
1- Waxaanu Ardeyga ka soo qaadeynaa Airport ka uu ka soo dego
2- Waxaanu Ardega ka caawinaynaa baadhista caafimaad ee Airporka
2- Waxaanu Ardeyga ka caawinayneyaa Immigration clearance Airporka
3- waxaanu  Ardeyga ka caawinaynaa in uu helo Health insurance inta ay waxbarashadu u socoto
4- Waxaanu Ardeyga u raacaynaa oo ka diiwaan gelinaynaa Jaamacadii uu sii dalbaday
5- Waxaanu Ardeyga ka caawinayna sifeyaasha loo bixiyo fiiga Waxbarashadasanad walba
6- Waxaanu Ardeyga  ka caawinaynaa sidii uu heli lahaa Student ID card iyo Hostel Card
7- Waxaanu Ardeyga ka caawinaynaa in Bank Account looga furto dalka Ruushka markiiba
8-  Waxaanu Ardeyga siindoonaa talooyin buuxa oo joogto ah oo ku saabsan sifeyaasha waxbarashda loogu guuleysto
9- Waxaanu Ardeyga u cusbooneysiineynaa sanad walba Viisaha markasata oo  uu ka dhaco
10- Waxaanu Ardeyga Vise ugu dalbaneynaa Waalidkiis hadii uu markaa dalbado in waalidkii booqasho gaaban loogu keeno.
11- Waxaanu gaar ahaan Ardeyda Hablaha ah dejinaynaa goobo u gaar ah oo dumarka loo qoondeeyey
Hadii uu damac kaa hayo amase aad dooneyso in aad Dalka Ruushka waxbarasho u tagto oo aad bilowdo sanadka cusub dhexdiisa  ama dhamaadkiisa amase aad u baahan tahay faah-faahin kale oo dheeraad ah oo ku saabsan waxbarashada dalalka aan kor ku soo sheegay fadlan la xidhiidha emailka ama mobiladan iyo magacyadan Hoose ;
Abdi Yusuf  Mobile : 44-07950 341 347-  UK
Hodan  Ibrahim : 063-442 73 47 Somaliland
Email: Studyrassia@gmail.com