Ciidanka booliska somaliand ayaa hawl galadii xalay ay wadeen oo isku xidhnaa Hargeysa ilaa Berbera waxay xalay gacanta kusoo dhigeen nin loo haysto dilka marxuun uu todobaadkii hore ku toogtay xaafada Xero-awr ee magaalada Hargeysa,kaasi oo uu ugu dhex galay kuna dhex dilay meheradii ganacsi oo ahayd farmasii.
Taliyaha ciidamada booliska Somaliland ayaa u mahadceliyay ciidanka booliska gobolka Saaxil iyo dad muwaadiniin ah oo uu sheegay inay gacan ka gaysteen qabashada ninkan
“waxaan u mahadcelinayaa ciidanka booliska gobolka Saaxil oo masuuliyad iyo dedaal muujiyya,sidoo kalena dad muwaadiniin ah iyagana u mahadcelinayaa oo gacan ka gaystay qabashadiisa”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Imaan.