Cabdirisaaq Khaliif Oo Xukuumadad Ku Canaantay Sababta Ay Uga Aamustay Dhawaaqii Jeneral Galaal

Hargeisa(GNN):-Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo ka mid ahaa Masuuliyiintii iska casilay xilka Wasiirnimo haddana ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa dhaliilo u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu sheegay inay ceeb iyo ayaan daro u tahay Xukuumadda inay ka aamusnaato General Galaal oo dalka ku sugan oo sheegay inuu midnimada Somaliya u arko muqadas. cabdirisaaq-khaliif-axmed

Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay abaaraha dalka ka jira, waxaanu sheegay in Xisbiga Waddani kaalin weyn ka qaatay, dadkiisa dhibaataysana uu dhibka la qaybsaday, wixii uu tari karana uu taray, waxaanu isagoo ugu horayn ka hadlaya sida uu u arko hadalkii Jeneral Galaal uu yidhi  “Waxa ayaan daro ah, oo qaranimadeena iyo jiritaankeena gef ku ah in General Galaal oo dalka ku sugan in dalkeena dhexdiisa ka yidhaahdo waa in nidaamkii Federalka la qaataa, oo Somaliland iyo Somaliya isku noqdaan, waxaana meel ka dhac ah in ilaa hadda aanay Xukuumaddu ka hadal, horena waxa loo yidhi maroodigu takarta saaran ma arko ee ta kale ayuu arkaa ee Xukuumaddu iyo Xisbigeeda Kulmiye inta ay ku meeraysanayaan waxna ka sheegayaan Ragga muwaadiniinta ah ee dalkooda ku soo noqonaya, kana soo noqday mab’doodi, ha ka hadlaan masuuliyiinta xilalka qaran hayey ee Somaliya tagay”.

Mar aanu wax ka weydiinay inay Xukuumaddu doonayso muddo kordhin dambe iyo Doorashada oo dib u dhacda wuxuu ku jawaabay “Maanta wakhti Doorasho  lama joogo, waxaynu ku jirnaa wakhti adag oo u baahan inaynu dadkeena u gurmano, mana haboona in lagu marmarsoodo muddo kordhin iyo dib u dhac ku yimaada Doorashada.”

Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud mar uu ka hadlaayey Abaarta ayaa yidhi “ILLAAHAY waxaynu weydiisanaynaa in abaarta iyo dhibaatada inuu inaga soo jabiyo, gurmad kasta oo la galo oo dadka loogu gurmado ku filaan maayo,waxaana mar kowaad, mar labaad iyo mar saddexaad iyo mar kastaba baryeynaa ILLAAHAY, oo aynu ka baryeynaa inuu abaartan inaga dul qaado, raxmaadka iyo nimcada ALLE ayuun baa ina deeqi kara, waxaana Mucaarad iyo Muxaafidba leeyahay u gurmada dadkiina”.

Dhinaca kale  wuxuu sheegay in Xisbiga Waddani uu gurmadka dadka ay abaaruhu hayaan uu kaalin wey ka qaatay, isla markaan Gobolada ay abaaruhu sida xun u samayeen ay tageen, dadkana wixii ay tari karaan soo tareen, ilaa haddana uu Xisbiga Waddani hil iyo hooba dadkiisa la garab taagan yahay, waxaanu ILLAAHAY ka baryey inuu abaarta inaga soo jabiyo , waxa kale oo gef iyo meel ka dhac ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay Safiirka Turkiga ee uu ku sheegay in wada hadaladu ku saleeysan yihiin midnimo.

Source Geeska.