Gudida Qaban Qaabada Doorashada Jaaliyada SL ee Dalka Belgium Waxay Ka Wargelinayaan Xubaha Jaaliyada in Dib Loo Dhigay iyo Sabadta.

Go,aan ka soo baxay gudida qaban qaabada doorashada jaaliyada somaliland ee degan dalka Belgium, waxay ogeysiineysaa dhamaan jaaliyada in dib loo dhigay wakhtigii la qabanlahaa doorashada maadaama ay abaaro ka jiraan dalkeenii.

shirkaasi oo lagu waday inu qabsoomo 3.12.2016,kaasoo lagu dooran lahaa gudoomiye & ku xigeen ,dhamaan maamulkii jaaliyada gudidu markay aragtey duruufaha ka jira dalkeena oo dadkii ay ku mashquulsanyihhiin iney lacag iska ururiyaan sidii ay wadankooda u taageeri lahaayeen.

Gudidu waxay ku goaamisay in si ku meel gaadh ah ay jaaliyada taladeeda u sii hayaan gudida qaban qaabadu ilaa inta doorashada la gaadhayo waxaana gudoomiye ka ah SH.ABDIRAHMAN WACAYS gudoomiye ku xigeena MAXAMED MUUSE (JEEX)

Gudida qaban qaabada oo ka kooban 10 xubnood dhamaantood waxay ka shaqeyndonaan si ku meel gaadh ah iney u sii hayaan maamulka jaaliyada reer somaliland,ka gadaal ayaa laga soo sheegi donaa wakhtiga la qaban doono doorashada.

Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brusssels belgium.