Hargeysa(GNN)-Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa gudida abaaraha Somaliland ku wareejiyay qaadhaan lacageed oo dhan Afar Boqol iyo Laba iyo Sagaashan Milyan oo Somaliland Shilling ah isla markaana ay iska soo ururiyeen xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland uguna talo galeen inay kaga qayb qaataan gurmadka dadka ay abaaraha baahsani ku saameeyeen gobolada bariga Somaliland.