Kooxda Khaatumo Oo Ku Dhawaaqday Magacayada Ergada Uga Qayb Galaysa Wada-Hadalada Somaliland

Kooxda Khaatumo Oo Ku Dhawaaqday Magacayada Ergooyinka Uga Qayb Galaysa Wada Hadalada Somaliland+Akhriso Liiska Magacyadooda Oo Dhamaystiran Shirar hoosaadyo maalmihii u dambeeyay u socday golaha sare ee G11 iyo xubnaha maamulka khaatumo ee buuhoodle ku sugan ayaa xalay la isku raacay xubnaha maamulka khaatumo u matalaya wada-hadalada somaliland iyo khaatumo kuwaas noqonaya 8 xubnood

laba xubnood waxaa laga xulay golaha wasiirada halka xubinta baarlamanka u matali doono gudoomiyaha baarlamanka khaatumo oo liiska ka dhex-muuqda.
Madaxweynaha khaatumo Cali Khaliif oo aan ka muuqan xubnaha wada-hadalada khaatumo iyo somaliland ayaa diidan in laga saaro liiska wada-hadalada oo uu horey u qorshaynayay inuu hogaamiyo gudiga wada-hadalada khaatumo iyo somaliland waxaana dhici karta inuu horey u soo raaco oo lagu arko madasha wada-hadalada khaatumo iyo somaliland.
Xubnaha Gudaha Jooga ee ku jira Liiska Wada hadalada
1. Maxamuud Shiikh Cumar Xassan
2. Maxamuud Ismaciil Shabac
3. Axmed Xaaji Cali
4. Baayar Mahdi
Xubnaha Dibada Jooga
1. Cali Ciise Cabdi
2. Cabdikariin Xassan Jaamac
3. Cabdirashiid Maxamed Faarax
4. Abshir Cawil Cabdi dhiif