Mucaaradka Faransiiska oo musharrax dooranaya + Magacyada Musharaxiinta Ugu Cad Cad.

Shan bilood ka hor doorashada madaxtinnimo ee ka dhacaysa dalka Faransiiska, ayaa taageerayaasha xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaasi, Jamhuuriyiinta midig dhexe, waxa ay dooranayaan musharraxooda.
Nicolas Sarkozy
Madaxweynihii hore ee Faransiiska, Nicolas Sarkozy, iyo Alain Juppe oo ra’iisal wasaare kasoo noqday dalkaasi, ayaa ugu cadcadaa todobada qof ee musharraxnimada u tartamaya.

Balse waxaa hadda taageeradiisu korortay oo loolanka kula jira ra’iisal wasaarihii hore, Francois Fillon.

Ayadoo xisbiga talada haya ee Socialist uu kala daadsan yahay, ayaa waxaa la filayaa in musharraxa ku guuleysata wareega labaad ee codeynta xisbigan Jamhuuriga, uu doorashada madaxtinnimo ee bisha May ku wajihi doono hogaamiyaha xisbiga midigta fog, Marine Le Pen.

 

Gabiley.net