Qalabkii Lagu Daabacayay Kaadhadhka Codbixiyayaasha Oo Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa

Agabkan oo laga keenay waddanka Faransiiska, ayaa ah mid loogu talo galay in lagu daabaco kaadhadhka cod-bixiyayaasha oo ay weli gudidu waraaq ahaan u haystaan dadkii iska diiwaangeliyey dalka oo dhan.Daabacaadda kaadhadhkan oo shaqo badani u xannibnayd, ayaa la filayaa in la gudo geli doono maalmaha soo socda, waxana intaas kadib  dhammaan dadkii isdiiwaangeliyey  waraaqaha ay haatan haystaan loogu beddeli doonaa kaadhadh laf ah oo doorashooyinka soo socda ku codayn doonaan.Waxaana qalabkan lagu daabacayo kaadhadhka ay hore u dalbadeen komishanka doorashooyinka qaranku, a sheegay inay tayadoodu sarrayso, isla-markaana dhib yaraan wakhti kooban gudihii uu awoodo inuu daabaco kaadhadh gaadhaya malaayiin xabbo oo macluumoodku guddida gacanta ugu jiro.

Daabcadda kaadhadhka ayaa ah qabyo weyn oo ku jirtey nidaamkii diiwaangelinta codbixiyayaasha, waxana haatan wixii ka dambeeya marka daabacaaddu dhammaato loo gudbi doono wejiga qaybta kaadhadhka oo dalka oo dhan ka hirgeli doona.