Roobab Lagu Diirsaday oo Ka Da’ay Galabta Deegaanada Galbeedka Hargeisa Allay-Baday Ila Xuduuda Salaxley

Roobabka raxmaadka ayaa laga soo sheegaya in uu ka da’ay Deeganada Alleybadey, Laf-lamooda, Balicabane oo ka kala tirsan Gobolka Gabiley iyo Hawd iyadoo ay ku qabawsadeen guud ahaanba dad iyo duunyo waxaanu kasii hilaacayaa Deegaanada Koonfur Bari iyo Galbeedba ka xiga Degmadaasi Alleybadey.

Sida aynoo xaqiijiyeen Dadweynaha Reer Alleybadey,Roobka ayaa si fiican u biyo dhigay Magaalada Alleybadey iyo hareeraheeda inkastoo dhulku aad u oomanaa waxaana wali dul hogolsan daruuraha isagoo hilaacu gees walba uga muuqdo Deegaano aan ka fogeyn Degmada Alleybadey, Waxaaba Hadda Iyana La Haya wararka Imanaya Salaxley Iyo Xuduuda Ino Rooba wanaagsan ka Da’ay.

Sidoo kalena warkan farxada leh ee yididiilo galiyey dad iyo duunyo ayaa sidaas oo kale u biyo dhigay Deegaanada Jufa-uurey ee Galbeedka Gobolka Gabiley halkaas oo kamid ah meelaha ugu badan ee dadka abaarta Gobolka Bari kasoo Geedi galey xaabka iyo calafka xoolaad Degsiimada ugu ahaayeen roobka ducada maqbuula ee Eebe ka aqbaley maatada iyo umadiisa ayaa rajo fiican ku abuurey xoolo dhaqatada iyo guud ahaanba shacbiga Deegaanadaasi oo aan hagar ka galinin walaalahooda abaartu taabatey caleenta (balka), iyo burka xooluhu ku jiilaal baxayaan mana jiro walaac ku wajahan in laga soo baxo calaf-qaadka sii muuqda.

Exit mobile version