DAAWO Qodobada Ka Soo Baxay Wada Hadaladi Dowlada Somaliland Iyo Khaatumo Ayaamahan Uga Socday Addis Ababa

Halkan Ka Akhri Qodobada Ka Soo Baxay Wada Hadaladi Dowlada Somaliland Iyo Khaatumo Ayaamahan Uga Socday Addis Ababa.
 

Waxaa hada widhwidh online  soo gaadhay qodobada ka soo baxay shirkii wadahadalka khaatumo iyo snm oo mudo shan casho ah ka soconaayay adis ababa.

 

Qodobada:

1 in wadahadal iyo jawada xaajood lagu dhameeyo khilaaf kasta oo jira .

 

2 in wixii fadqalaalo iyo dacaayad gudeheena ah lajoojiyo meelna looga soowada jeesto

 

3 in meel looga soowada jeesto wixii gacan sadexaad ah ee farogalin ku samayn karta inta wadahadaladu soconayaan.

 

4 in laga wada xaajoodo wixii ku saabsan dhiig iyo dhaqan

 

5 in laga wada shaqeeyo xoojinta nabadgalyada

 

6 in  ciidamada somaliland ee ku sugan sool sanaag bari iyo qeybo buuhoodle kamid ah dib loo qorsheeyo joogitaankooda iyado la tixgalinaayo marwalba baahida iyo xaalada nabadgalyo siday tahay.

 

7 in aan la qorin ciidan beeleedyo cusub inta wadahadaladu socdaan

 

8 in maamul daadajin buuxda lasameeyo oo taabanaysa dhinacyada siyaasada dhaqaalaha maamulka ,arrimaha bulshada iyo nabad galayada

 

9 in wadajir looga hawlgalo sidii mashaariic  waaweyn oo horumarineed looga hirgalinlahaa goboldaasi

 

10 in la iska kaashado sidii gargaar loogu raadinlahaa,loona gaadhsiinlaha dadka abaaraha ku tabaaloobey.

 

11 in hay adaha samafalka iyo qaramada midoobe ka hawlgalaan kana qaadan xayiraada goboladaasi..

Qodobada labada dhinac waxaa u kala saxeexay dhanka snm sacad ali shire.

Dhanka khaatumo waxaa u saxeexay maxamudu sh omar xasan

 

Gabiley.Net