Akhri Ujeedka Kulan Khaas ah oo Dhex-maray Guddoomiye Cirro iyo Siyaasi Axmed Muumin Seed + SAWIRO

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo guddoomiye ku xigeenkii hore ee Xisbigaasi Md.Axmed Muumin Seed, ayaa si wada-jir ah u wada qaatay kulan khaasa oo ujeedkiisu daarnaa in ay iska laab xaadhaan qardoofooyinkii siyaasaddeed ee muddooyinkii u dambeeyey soo kala dhex-galay.

Kulankan oo shalay galabnimaddii ka dhacay gudaha magaalada Hargeysa sida oo kale na ay albaabadu u xidhnaayeen, ayaanay jirin wax warar ah oo ka soo baxay ujeedka shirkoodaasi, balse waxa ay wararku sheegayaan in labadoodu iska laab xaadheen khilaafaadkii siyaasaddeed ee soo kala dhex-galay muddooyinkii u dambeeyey, waxaana wararku tibaaxeen in Axmed Muumin Seed uu ka codsaday guddoomiye Cirro in uu ka saamaxo hadalo qadaf ahaa oo hore uu dhowr jeer ugu soo ganay guddoomiye Cirro iyaga oo halkaas labaddoodu ba isku gacan qaaday sida oo kale na si aada iskaga xaal waraystay xidhiidhkooda mustaqbal ee siyaasaddeed iyo sida ay u wada shaqeyn karaan.
Gebo-gabaddii, kulankan oo saacado badan qaatay ayaa ay hada na wararku sheegayaan in labada odey ba ay mar kale u balameen kulamo dambe oo ay si hufnaan ah ugu wada-hadlayaan, lama na garan karo xilliga iyo goorta ah ay noqon doonto balantoodaas dambe.
Ugu dambeyntii, guddoomiye Axmed Muumin Seed oo hore uga cadhooday shirkii golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI sida oo kale na wararku sheegeen in uu wada-hadal la furay Xisbiga KULMIYE, ayaan illaa hada aan la garanayn sababta keentay in guddoomiye Cirro oo ay hore u kala dhaqaaqeen uu hada na kulan khaas ah la qaato, balse waxa ay xogahu sheegayaan in Axmed Muumin Seed uu hungo ka muujinaayo wada-hadalka uu la bilaabay Xisbiga KULMIYE
img_1805

img_1806img_1807