Daawo Sawirada :Sidii Magaalada Hargeysa Loogu Soo Dhaweeyey Wafti Culus Oo Ka Yimid Dalka Jabuuti .

Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda Jabuuti oo martiqaad rasmi ah ka helay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Safiirka dhawaan loo magacaabay Jabuuti in uu u fadhiyo Somaliland, Amb. Cabdifataax Siciid Axmed.

Kulanka Madaxweynaha ay la qaateen weftigu waxa uu xambaarsanaa sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo jamhuuriyadda Jabuuti, iyadoo Wasiirka Arrimaha gudaha jabuuti uu madaxweynaha Somaliland, mudane Axme Maxamed Silaanyo soo gaadhsiiyey Fariin uu madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle u soo dhiibay, madaxweynaha Somalilandna uu ka gudoomay.

Exit mobile version