Dadwaynaha Reer Wajaale Oo Soo Dhaweeyay Xogeyaha Cusub Ee Losoo Magacaabay Xogeyaha Fulinta D/Hoose Ee Togwajaale

Gabiley (GNN) Dadwaynaha Kunool Magaalo Ganacsiyedka Tog Wajaale Oo Soo Dhaweeyay Magacaabista Xogeyaha Cusub Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Usoo Magacawday In Uu Ahaado Xogeyaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Dagmada Togwajaale

Bulshadani Reer Wajaale Oo Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha uga Mahad Celiyay Sida Sharafta Iyo Karaamada Leh Ee Uu Ugu Soo Magacaabay Xilkani Xogeye Nimo C/Laahi Xasan Samaale Xarsi Oo Ah Nin Hanan Kara Waajibadkiisa Iyo Xilka Loo Igmadayba

Sidokalena Dadwaynaha Reer Wajaale Ayaa Ku Hambalyeeyay Xogeyaha Cusub Xilkasi Loo Magacaabay Mr C/Laahi Xasan SamaaleXirsi
Geesta Kale
Xog-hayaha Fulinta Dawlada/Hoose ee loo soo magacaabay Degmada Togwajaale C/Laahi Xasan Samaale iyo Taariikh Nololeedkiisiiba waxa uu ku dhashay Deegaanka Gabiley, waxa uu Waxbarashadiisii hoose dhexe iyo Sare ku qaatay Isla Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka,
Dugsigi Beeraha ee Camuud ayuu Sanadkii Sideetamaadkii ka qallin-Jabiyey, waxa uu ka hawl-galay Mashruucii Horumarinta Beeraha Ee Soomaaliya, gaar ahaan Gobolladii Waqooyi-Galbeed, iyo Awdal…
Tan iyo Intii Dhidibada loo taagay Qarannimada Somaliland Waxa Uu Mas’uulkani ka hawl-gali jiray Wasaarada Beeraha Somaliland oo uu Illaa Hada ka hawl-galo… Wallow Muddadaasi oo Inta Badan wada Shaqayn joogto ah la lahaa Hay’adaha Caalamiga ah ee wada Shaqaynta La Leh Wasaarada Beeraha sida “ FAO, SADO, IRC/CARE, IFAD/UNOPS, CADASTRAL SURVEY / UNDP , SCF, VETAID UK, CINS COOPOROZONE Italian NORSUD, INTERNATIONAL RESCUE CMMITTEE, SOMALILAND CADASTRAL MSURVEY LTD, NOKEPDA…

cv-samaale
Tani ilaa wakhtigii dhibada loo taagay qarankani somaliland waxa uu xoghayaha cusub ee wajaale qayb ka ahaa shirkii lagu qabtay boorama iyo shirkii lagu qabtay magaalada burco ee somaliland dhidibada loogu taagay isagoo ka mida ahaa dhalinyaradii qorayey qodobada shirarkaasi islamarkaana uu ku mutaystay shahaado sharaf.
Gabiley.net
Office Gabiley