Dallada Dhalinyarada Somaliland Ee SONYO Oo Doortay Gudoomiye Cusub Iyo Magaca Gudoomiyaha La Doortay

Waxaana shirwaynahan uu ahaa mid lagu dooranayay gudoomiyaha cusub ee hagi doona dallada dhalinyarada SONYO labada sano ee soo socda.

Waxaana booska gudoomiyaha dallada SONYO u tartamayay laba murashaxa oo kala ah Cabdicasiis Siciid Saalax iyo Cabdicasiis Xirsi Warsame.

Waxaana loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha dallada dhalinyarada SONYO Cabdicasiis Siciid Saalax isaga oo Cabdicasiis Xirsi Warsame oo ahaa murashaxii la tartamayay uu u tanaasulay.

Ergooyinkii kazoo qayb galay shirwaynahan ayaa waxay sidaasi cod gacan taaga ku ansixiyeen Cabdicasiis Siciid Saalax inuu noqdo gudoomiyaha dallada dhalinayarada Somaliland ee SONYO .