Dhimashada Qarsoon. W/Q:- Axmed Cabdi Muuse

Tower-rada Isgàadhsiin iyo Dadwaynaha Kuhoos nool.
Hargeisa(GNN):-Halkani Waa Xaafada 150 ka Agagaarka Masjidka Soo haleela, Sawiradan aad u jeedaan wxn qaaday Shalay Goor Guriga Jaarka Geeriyi kadhacday Markaan Waraystay waxa lay sheegay in Dadkii Xaafada Ee Birta Tower-ka ah ka ag dhawaa In badan oo kamid ah ay Asiibeen Xanuuno halisa Sida Cancer, Xanuunada Maskaxda,Caruurta iyo Weliba waxyeelo wayn oo ay ku keentay Radiation ka Kasoo burqanaya Tower-radani Caafimad qabka Hab dhiska Taranka Ee Raga iyo Dumarkaba. (Sperm and Egg Quality)
12928402_1036372706429138_2587786732419132267_n-310x182
Waxaan isku dayey in aan arintan Xog badan ka raadiyo Dad kala duduwan Ayan ka waraystay Waxyeelada Tower-radan Ee Xaafadaha Dhexdooda Shirkadaha Isgaadhsiintu ka taagteen iyo Dhacdooyinka Arimahaa la xidhiidha.
Waxan Ogaaday In Xaafad walba Oo Towerradan ka taagan yiin Lagu arkay xanuuno kala duduwan qaarkood na uba God galeen xanuuno ay ka qaadeen Strong Signal Waves ka Birahani Qaybinayaan Iyo waliba Radiation ka Ku xeeran ilaa 500M Ee ka ag Dhow Tower radan Tuuraya Hirka Xooga Badan.
Waxa layga waramay In Qoysaska Cusub Ee Nolosha Qoysnimo ka Bilaabay Hoy ka agdhoow Tower-kan ay waxyeelo ka tirsanayaan Saamayn ay ku keentay Radiation ka Tower-radani sababtay Dhashii Oo baaqatay siday laygu xog waramay.
Haayadaha Dawliga ah Ee Arintani Khusaysaa Dadka Joogaa ma darèensana Waxyeelada Arintani u leedahay Caafimadka Dadwaynaha inta Fahansna Xòogaaga Xaqul qalinka Ah Madaxda Shirkadahani bixiyaan ayaa kala mihiimsan Caafimad qabka Kumaan kunka Dadwaynaha ku nool Soonaha laga taagay Birahan.
Dadka aqoonta ule Arimaha Deeganku wxy dhibaatadan u food saareen aqoon la’aan haysa Dadka xukunku Gacanta ugu jiray Ee bixiyey Ruqsadaha Tower-rada Dhulka Residential ah laga dhisay aanay dersan Environmental and Social Impact Assesment (EIA) Oo ah Qiimaynta La sameeyo Ka hor inta aan Mashruuca la hirgelin. Taasoo lagu dersayo waxyeelada Uu Mashruucani u keeni karo Deeganka Iyo Noolaha ku Nool Halka laga hirgelinayo Mashruuca la rabo in la Hirgeliyo.

cell-tower-fig3-1-310x327
yeey Masuuliyadeeda tahay
Wasaarada.Deegaanka
Wasaarada.Caafimaadka
Madaxfa Hogaamisa Degmada Ee Bulshadu soo Dooratay.
Arintan Dhawaaqeda Meel walba waan gaadhsiinayaa Kacdoon ka dhan ah Waxyeelada Tower-radan Iyo in Sharciga Lala tiigsado Dadka Sababta Dhibaatadan umada ku dhacday Waxa balana In Dadka Waxyeeladu soo gaadhay xaqooda Mag dhaw la siiyo..
W/Q:- Axmed Cabdi Muuse