Doorashada Madxtooyada ee Soo Socota Maxaa La Gud Boon Reer Gabiley?

Dhacdo kasta oo siyaasadeed oo ku soo martaa waa inay kuu noqotaa cashar aad barato oo aad kaga gaashaamatao haddii ay mar kale timaado, Gabiley na waxaan filayaa in ay cibro u noqoto qiiradii iyo qaabkii fiicnaa ee ay ugu qayb galeen doorashadii madaxtooyada ee hore.

Ummada reer Gabiley haddii aanay iswaydiin oo ayna qiimayn dhacdooyinkii siyaasadeed ee soo maray iyo balanqaadyadii xisbiyadu u sameeyeen doorashadiii madaxtooyada ee hore 2010 iyo wixii ka fulay waxba ma kala soconayaan ee waxay noqonayaan dad dhaan raac ah.

Waxaad iswaydiisaan su’aalahan:

  1. Maxaa ka fulay balanqaadyadii la idiin sameeyay dorashadii madaxtooyada ee hore?
  2. Dhamaystirka Gobolnimadii Gabiley loo balanqaaday  ma fulay? Maxaaase hortaagan?
  3. Haddii gobalanimadii la hirgalin waayay yaa lala xisaabtamayaa? Maxaase talaabo reer Gabiley la gudboon?

Runtii arimahaasi waa kuwo u baahan in si taxadir leh loo faaqido oo loo baadho dabadeed lagu canaanto xisbigii Kulmiye ee balanqaadka sameeyay ee aan fulin sidoo kalena imika gorgortan adag lala galo xisbiyada iyo balanqaadyada ay sheegi doonaan in uu rumoobi karo iyo in kale.

Siyaasiyan, Gabiley waxay u baahan tahay siyaasi adag oo aan calooshii u shaqaysta ahayn oo danta gobalkan iyo dadkiisaba ka shaqeeya oo  runta u sheega xibigii aan balanqaadkiisa fulin kuna  yidhaa balanqaadkiinii maydaan fulin, maxaad u fulin waydeen?. Walina ma hayno siyaasi adag oo danta ummadan ka hadla oo soo jiita shacabka gobalkan ee bilaa siyaasiga noqday.

Waxaan soo jeedin lahaa in la isku yimaado oo laga wada hadalo wixii aan la qaban ee balanqaadka  ku jiray oo lagala doodo iyo in imika laga wada hadlo ajandayaasha Gabiley ay doonayso in loo fuliyo si codkooda loo helo.

Guntii iyo gabagabadii waxaan u mahad celinyaa labada Xildhibaan ee Xassan Cawaale Caynaan, Bashiir Tukaale iyo aqoonyaan Xamse Khayre Cabdiraxmaan oo si hufan uga shaqaynaya arimaha la xidhiidha aansixinta gobalnimada Gabiley oo aan warbaahinta ku arkay iyagoo u doodaya.

W/Q Mustafe M.  Hassan

Gabiley, Somaliland