DAAWO Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo 40 Kun Oo Dooler Ugu Deeqay Gudida Abaaraha Gobolka Togdheer,

Gudoomiyaha Xisbiga KUlmiye Muuse Biixi Cabdi Iyo Wefti Balaadhan Oo Uu Hogaaminaayo.Ayaa Kulan La Qaatay Gudida Gurmadka Abaaraha Ee Gobolka Togdheer Iyo Masuuliyiinta Heer Gobol Iyo Heer Degmo
Waxaana Kulankan Lagu Gorfeeyay Qaabka Ugu Haboon Ee Looga Qayb Qaadan Karo Gurmadka Abaaraha,Waxaana Halkaas Warbixin Lagaga Dhegaystay Gudida Abaaraha Ee Gobolka Togdheer,Kuwaas OO Sheegay Inaanay Qasnada Abaaraha Gobolka Togdheer Aanay Ku Jirin Wax Lagu Hawl Gala Isla Markaana Dadka Abaaraysan Loo Siiyo Biyo

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Ayaa Sheegay Inuu Gudida Abaaraha Gobolka Togdheer Ugu Deeqay 40 Kun Oo Doller Kuwaas Oo Loogu Talo Galay In Biyo Loo Siiyo Dadka Ay Abaaruhu Saameeyeen,Waxaana Deeqdan Si Balaadhan Uga Mahadnaqay Gudida Gurmadka Abaaraha Heer Gobol Iyo Badhasaabka Gobolka Togdheer,Kuwaas Oo Sheegay Inaanay Markii Hore Hayn Wax Lacaga Oo Loogu Gurmado Dadka Abaaruhu Saameeyeen