Waftigan khuburadda ah oo la filayo inay muddo dhawr maalmood dalka jogaan ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan la yeelan doonaan masuuliyiinta laamaha dawlada isla markaana ay booqan doonaan magaalada Berbera iyo waliba dekeda magaalada Berbera.Sida xogaha aanu ku helnay sheegayaan khuburaddan oo ka socda shirkadda magaceeda la yidhaahdo Maritime & Transportation Solution Business xarunteeduna tahay dalka Holland ayaa qandaraas ah daraaseyn iyo falaqayn (Diagnostic Analaysis) lagu samaynayo mashruuca dhismaha wadada isku xidhi doonta dekeda magaalada Berbera iyo suuqa ganacsi ee Itoobiya,waxaanay mashruucan sida la sheegay ka qaadatay shirkad kale oo la yidhaahdo Trade Mark East Africa.Dhinaca kale wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in khuburaddan ay shalay kulan la qaateen wasiiru dawlaha arrimaha dibada Somaliland Maxamed Mixile Boqore oo la sheegay inuu xafiiskiisa ku qaabiley.
Reach US At :
00252634243848
XULASHADA GNN
Documentary ka hadlaya Dib-u-dhiskii Somaliland
Shirkii Tawfiiq ee Sheekh 1992