Labo Wiil oo Somali walaalo ah oo lagu dilay Caasimdda Dalka Sweden

Labo muwaadin oo Somali ah, islana dhashay ayaa lagu toogtay xalay fiidkii Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, kadib markii ay soo weerareen Koox dhalinyaro ah oo hubaysan.

Dhalinyarada la dilay ayaa fadhiyay goob maqaayad ah oo lagu caweeyo, halkaasi oo ka mid ah goobaha dadka Somalida ah ee degan dalka Sweden ay isugu yimaadaan.

Dhalinyarada la dilay ayaa fadhiyay halka loo yaqaan Rinkeby oo ah madal dadka Somalida ah ay isugu yimaadaan, iyaga oo halkaasi si nabadgelyo ah u fadhiya ayaa mar kaliya waxaa soo weeraray dhalinyaro ku hubaysan Bastoolado iyo Toorey.

Kooxdii hubaysneyd ayaa dishay labadaasi dhalinyarada Somalida ah, iyaga oo durbadiiba meesha ka baxsaday.

Booliska Magaalada Stockholm oo goobta dilka uu ka dhacay soo gaaray ayaa sheegay raggii falka dilka ah geystay inay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen.

Booliska ayaa warbixin hordhac ah uu soo saaray waxa uu ku sheegay raggii dilka geystay oo ku dhawaad 20 dhalinyaro gaaraayay inay ku baxsadeen gaari midabkiisa uu yahay cadaan.

Ciidamada ayaa hada ku guda jira baaritaanka dilkaasi loo geystay labadaasi muwaadin ee Somaliya.

Somalida degan Magaalada Stockholm ayaa si weyn u hadal haaya dhacdada dilka ah ee loo geystay labadaasi Wiil ee Somaliyed oo ilaa hada aanan la shaacin magacyadooda.

sweden-1-1sweden-2-1sweden-4-1sweden-6-1sweden-8-1sweden-10