Madaxwayne Silaanyo Oo Cafis U Fidiyay Sheekh Aadan Sunne Oo Maanta Xabsiga Laga Sii Daayay

Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame(Aadan Sunne )oo ka mid ah culimada Waawayn Ee Soomaaliyeed Kuna Nool Caasimada Hargeisa ayaa Maanta dib u helay xorriyadiisii ka dib markii uu in muddo ah u xidhnaa khudbad diini ah oo uu jeediyay.
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo Ayaa Cafis U Fidiyay Isla Markaana Amray In Xabsiga Laga Sii Daayo Sheekha.

Akhriso Digreetada Cafiska Ee Madaxwaynaha

warqada cafiska madaxwaynaha
Sheekh Aadan ayaa khudbad uu jeediyay kaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin albaabka xarunta ciidamada Bada oo astaanteeda loo eekaysiiyay saliibka ay kiristaanku caabudaan, waxaanu xukuumadda ugu baaqay in ay in ay bedesho.Aadan Sunne

Sii daynta sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame ayaa la sheegay in uu door laxaad leh ka qaatay Wasiirka cusub ee wasaarada qorshaynta Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo Tire) oo xukuumadda hor dhigay sida aanay u qurux badnayn in uu sheekhu Xabsi ku sii jiro