Hargeysa (GNN) Mid ka mid ah masuulyiintii xalay uu madaxweyne Siilanyo magacaabey ayaawaxaa uu hada shaaciyey in aanu xilaasi qaban karin .
Masuulkan oo ah wasiir ku-xigeen xalay loo magacaabay Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Mudane Cabdiqaadir Maxamuud Dhago-wayne oo ka soo jeeda beelaha dega degmada Salaxley ayaa goor dhawayd hadalkani sheegay isaga oo xusay in aanu qaban karin xilka uu xalay u magacaabay madaxweyne Silaanyo isla markaana uu ka cudurtaay.
Cabdiqaadir Dhagowayne ayaa ku sababeeyay cudurdaarkiisa in aan lagala tashan xilkan loo magacaabay, isla markaana aanu diyaar u ahayn in uu xilkaasi qabto.
Mudane Dhagowayne ayaa xilkan loo magacaabay isagoo dalka ka maqan kuna maqan dalka Imaaraatka Carabta gaar ahaan magaalada Dubia oo uu hada ku sugan yahay