Maxkamadda Hargeysa Oo Hal Sano Oo Xadhig Ah Ku Xukuntay Nin Soomaaliya Ka Yimi IyoSababta

Ninkan ay xukunka ku riday maxkamaddu ayaa lagu magacaaba Ismaaciil Xasan Ibraahin, kana soo kicitimay caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho 21 bishan November kaasi oo xafiiska xeer ilaalintu ku soo oogtay inuu ku gafey xeerka socdaalka iyo soo galida Somaliland, islamarkaana aanu ogolaasho ka helin laamaha socdaalka ee Jamhuuriyada Somaliland.Gudoomiyaha maxkamada degmada Hargeysa Cabdirashidi Maxamed Xirsi (Beer-geel) oo ku dhawaaqay xukunkan eedaysanaha ayaa sheegay, in ninkan lagu xukumay mudo gaadhaysa hal sano iyo hal milyan oo shilinka Somaliland ah.Waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Ninkan waxaa lagu eedeeyey inuu ku gefay qodob ama xeerka No-72 xeerkaas oo soo baxay 1995 , waxaana naxkamadda degmada iyada oo cuskaneysa xeer No- 27 ee xeerka habka ciqaabta 70 ilaa 79,80, 101, 103, 104, 108, 119 farqada koowaad xubinta ah 120, 121, 180, ilaa 184, iyo qodobka, 172 ee habka ciqaabta ay ninkaasi ku xukuntay mudo hal sano ah, xukunkan waa uu iibsan karaa dalkana waa in laga masaafuriya marka xukunku uu dhamaaddo”

Gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray “Ninkani wuxuu fiiso la,aan kaga soo degay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa isaga oo aaminsan in Somaliland iyo Soomaaliya dal kaliya yihiin.