Qaramada Midoobey Oo Gudi U Saartey Baadhitaan Lagu Sameyn Doono Xadgudub Ka Dhacay Dalka Suuriya.

New York(GNN):- Golaha guud ee qaramada Midoobeey ayaa u codeeyay
in la aasaaso guddi ka shaqeeya sidii loo dacweyn lahaa shaqsiyaadka xadgudubka ka geystay Suuriya.

Guddiga wuxuu uruurinayaa cadeymo muujinaya xadgudubyada ugu daran ee dhacay intuu socday dagaalka Suuriya.

Arrintan oo si aan caadi ahayn loogu codeeyay waxay diidmo kala kulmeysaa Suuriya iyo dalalka xulafada la ah sida Ruushka.

Dagaalka Xalab oo dhamaaday
Dagaal culus oo ka socdo bariga Xalab

Baadhitaan UN ay sameysay ayey ku sheegeen inaysan xaqiijin karin cidda geysatay duqeyn lagu dilay 10 qof oo UN u shaqeyneysay oo gargaar u waday Xalab.

Sidoo kale waxay tilmaameen inaysan cadeyn karin in weerarkaasi uu ahaa mid si ula kac ah loo fuliyay.

Sikastaba, waxay sheegtay Suuriya, Ruushka ama isbeheysiga Mareykanka oo keli ah ay ogaan karaan sida ay wax u dheceen.

Dagaalka Xalab oo lagu kala baxay

Milateriga Suuriya oo hakad geliyay howlgalka Xalab

Waxay intaas ku dareen in isbeheysiga Mareykanka diyaaradohooda aysan lug ku lahayn duqeyntaasi.