“Ri’ Buu Masaasad Siiyay Oo Dumar Buu Roodhi U Qaybiyey, Islaanna Xaabo Ayuu La Qaadaye U Codee”

Cid Ma Dhaliili Karaa Ninka Isku Darsaday Golihii Iyo Wasiirradii Xukuumadda Ugu Muddada Dheeraa? -Cali M. Yuusuf (Cali-Gurey)

Ri’ buu masaasad  siiyay ee ugu codee,  Islaan buu  xaabo la qaaday ee ugu codee,  Carruur  buu nacnac siiyay ee ugu codee,  Dumar buu roodhi u qaybiyay ee ugu codee iyo,  iyo!. Intaas oo dhami waa wanaag laakiin cod laguma helo.

Marka hoggaamiyaha ugu wayn mucaaridku uu sidan yahay ee mucaarid iyo muxaafid mid uu yahay aan runtii la kala garan karin yaa odhan kara wuxuu hoggaamin karaa qaran weli qaranimadiisu aanay taabogal noqonin oo ligliganaya una baahan in dhidibka loo adkeeyo.

Nasiib darrada Cabdiraxmaan haysata ee ugu wayni waxay tahay isaga oo 12 sanadood ahaa Guddoomiyaha Wakiilada oo dawladda dhankiisa haystay, kaasi oo weliba la ogyahay in  Golaha Wakiilladu uu xumaanta inta ugu badan uu mas’uul ka ahaa welina ka yahay,  Cabdiraxmaanna intaaba Guddoomiye ka ahaa welina ka yahay.

Waxa ka daran xukuumaddu haddii ay xun tahay ma wuxu odhan karaa markii kooxdii ka soo jabtay ay xisbigiisa ku biirtay bay xumaatay ama haddii si kale loo dhigo intii Xirsi ahaa Wasiirka Madaxtooyada way fiicnayd oo dawladd ay ka dhacayso ayay ahayde markii Maxamuud Xaashi noqday Wasiirka Madaxtooyada ayay xumaatay.

Ma odhan karo oo ma dhaliili karo xukuumadda haddii wax la gacan-togaaleeyay uu dhankiisa kaga jiray ee weliba inta ugu badsatay uu ka midka ahaa.

Tan kale Cabdiraxmaan nacas maaha ee wuu ogyahay intaa abaal iyo waxtar loo yeesha marka aad ku darto xisbiga maanta uu musharraxa ka yahay oo aynu ognahay sida uu ku soo baxay iyo cidda u soo saartayba.

Sidaa daraadeed ha la yaabina haddii uu meelo kale iyo wax aan ganac lahayn sii gurguriyo waa nin meel ku socda wadadii uu u mari lahaana og inay miinaysan tahay oon u badheedhi karine.

Qalinkii: Cali Maxamed Yuusuf (Gurey)