Somalia Oo Kenya Ugu Hanjabtay In Cashuuro Ku Soo Rogi Doonto Jaadka + Maxaa Sababay?

Nairobi(GNN):-Dowladda Federalka ayaa ku hanjabaysa in ay dib-u-soo rogaan ganaaxa Qaadka laga keeno Kenya, waxayna ku eedeysay Dowladda Kenya inaysan fulinin Heshiiskii ay Labada Madaxweyne ku gaareen in si toos ah loo bilaabo duullimaadka diyaaradaha ee Muqdisho iyo Nairobi.

Xukuumada dalka ayaa sheegtay in ay aqbashay in la qaado xayiraadii qaadka bishii September ee sannadkan, kadib, markii ay dowladda Kenya oggolaatay in bisha December 13-da la bilaabi doono duullimaadyadda tooska isaga kala gooshayo labada Caasimadood.khat

Todobaadkii hore, saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ku eedeeyay Kenya inay ka gaabsadeen fulinta heshiiskaasi oo dadka Soomaalida ka badbaadin lahaa dhibaatada duullimaadka ee ay ku degaan garoonka magaalada Wajeer si loogu sameeyo baaritaano dhinaca ammaanka, ka hor intaysan u duulin magaalladda Nairobi..

“Soomaaliya iyo Kenya waxay ku heshiiyeen in la fududeeyo xayiraada sababtoo ah labada garoomada diyaaradaha ee Nairobi iyo Muqdisho waxay awoodi karaan baaritaanadda ammaanka, ka hor inta uu qof kasta soo galin,” ayuu u sheegay Sarkaal Somali ah oo isagoo ku sugan Muqdisho la hadlay Wargeyska The Sunday Nation todobaadkii hore.

Waxa uu intaasi raaciyay inuusan dhaqan gelin heshiiska saddexda bilood sida lagu heshiiyey marka taasi waxa ay ka dhigantahay in Kenya daacad ka ahayn dhamaan heshiiskaasi. Waxaan ku noqon doonaa mamnuucidda ayuu yiri. “