Xisbiga talada dalka haya ee Midnimada iyo Horumarka JSL ee KULMIYE ayaa xalay cawayskii magacaabay 24 xubnood oo loogu magac daray “Magacaabis Maamulka Demooyinka Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga KULMIYE”, kuwaasi oo qeyb ka ah hawlaha iyo habsami-u-socodka abaabulka xisbiga ee waqti xaadirkan loo diyaar garoobayo doorashada madaxtooyada. Sidaasi waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Maxamed Iid Dhimbiil oo ah Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga KULMIYE , war-saxaafadeedkaas oo lagu socodsiiyey saxaafadda Somaliland, isla markaana hoggaanka sare ee xisbiga lagu war-geliyey. Haddaba war-saxaafadeedkaas oo nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska HUBAAL waxaa isaga oo dhamaystiran uu u dhignaa sidan: ” Kadib markii aan arkay muhiimadda dhismaha maamulka degmooyinka caasimadda ee xisbiga KULMIYE u leeyahay hawlaha iyo habsami-u-socodka abaabulka xisbiga, Markaan ku qancay kartidooda iyo aqoontooda maamul, Waxaan digreeto Guddoomiye maanta [shalay] oo ay bishu tahay December 9, 2016 ugu magacaabay xubnaha hoos ku qoran inay noqdaan Maamulka Degmooyinka Caasimadda Gobolka Maroodijeex ee xisbiga KULMIYE:
- Axmed Maxamed Xaaji Cali – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha degamada 26 Juun ee xisbiga KULMIYE.
- Muxuyodiin Cabdi Shiil – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka degmada 26 Juun ee xisbiga KULMIYE.
- Cabdiqaadir Maxamed Kabadhe - In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha degmada 26 Juun ee xisbiga KULMIYE
- Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jaamac – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha garabka dhallinyarada degmada 26 Juun ee xisbiga KULMIYE
- Caydaruus Axmed Ismaaciil – in maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa abaabulka iyo wacyigalinta Degmada 26 Juun ee xisbiga KULMIYE.
- Khadar Ibraahin Dugsiiye – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha degmada Ibraahim Kood-buur ee xisbiga KULMIYE
- Mowliid Nuur Sidci – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka degmada Ibraahim Kood-buur ee xisbiga KULMIYE
- Maxamed Abiib Cismaan – in manta laga bilaabo uu ahaado Xoghaya degmada Ibraahim Kood-buur ee xisbiga KULMIYE
- Cabdicasiis Axmed Maxamuud (Buuni)- in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha dhallinyarada degmada Ibraahim Kood-buur ee xisbiga KULMIYE
- Yaasmiin Maxamed Axmed – in maanta laga bilaabo ay ahaato Madaxa abaabulka iyo wacyigalinta degmada Ibraahim Kood-buur ee xisbiga KULMIYE
- Maxamed Jaamac Qoofal – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Degmada Axmed Dhagax ee xisbiga KULMIYE
- Cabdi Shukri Maxamuud – i n maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka Degmad Axmed Dhagax ee xisbiga KULMIYE
- Haybe Good Hurre – in maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Degmada Axmed Dhagax ee xisbiga KULMIYE
- Mustafe Yuusuf Dhagocadde – in laga bilaabo maanta uu ahaado Guddoomiyaha garabka Dhallinyarada Degmada Axmed Dhagax ee xisbiga KULMIYE
- Xuseen Qorane Xasan – in maanta laga bilaabo u ahaado Madaxa Abaabulka iyo Wacyigalinta Degmada Axmed Dhagax ee xisbiga KULMIYE
- Axmed Cabdi Cismaan – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Degmada Maxamuud Haybe ee xisbiga KULMIYE
- Maxamed Ismaaciil Daahir –in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka Degmada Maxamuud Haybe ee Xisbiga KULMIYE
- Siciid Aadan Gaaxnuug – in maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Degmada Maxamuud Haybe ee Xisbiga KULMIYE
- Cabdiraxmaan Cismaan Cali – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Dhallinyarada Degmada Maxamuud Haybe ee xisbiga KULMIYE
- Xuseen Yuusuf Cabdillaahi – in maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Abaabulka iyo Wacyigalinta Degmada Maxamuud Haybe ee xisbiga KULMIYE 19. Axmed Yoonis Aadan (Juxa) – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Degmada Gacan-libaax ee xisbiga KULMIYE
- Axmed Yusuuf Xandulle – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka Degmada Gacan-libaax ee xisbiga KULMIYE
- Khadar Cumar Cabdi – in maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Degmada Gacan-libaax ee xibiga KULMIYE
- Maxamed Jaamac Siciid – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Degmada Gacan-libaax ee xisbiga KULMIYE
- Cabdillaahi Aadan Caabbi – in maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Abaabulka iyo Wacyigalinta Degmada Gacan-libaax ee xisbiga KULMIYE
24 Cabdirisaaq Koosaar Maxamuud (Timiro) – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Heer Gobol ee xisbiga KULMIYE.”Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee xisbiga KULMIYe Md. Maxamed Iid Dhimbii