Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Oo Amaro Digniin Ah U Dirtay Shirkadaha Laydhka Ee Magaalada Hargeysa

Wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta oo qoraalkiisa amarka ah ku socodsiiyay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa waxa uu u dhignaa sida tan“Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa dhamaan waxii mashruuc laydh fidin ama balaadhin ah ee magaalada Hargeysa ee ay wadaan dhamaan shirkadaha laydhku,ilaa uu ka qabsoomayo shirka wadatashiga horumarinta korontada dalka o wasaaraddu qabanayso 3-4 bisha December 2016-ka,kaasoo ay kasoo bixi doonaan talooyin iyo go’aamo muhiim ah,sidaa daraadeed mudane Wasiir waxaan si xushmad leh kaaga codsanayaa in aanay shirkadaha laydhka hargeysi samaynin wax mashruuc laydh fidin ah ama balaadhin ah inta shirkaas laga soo noqonayo,iyadoo shirkaduhuna ay kasoo qayb gali doonaan.

Dhinaca agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland ayaa isna qoraal u kala direy shirkadaha  ku lugta leh arrimaha tamarta waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sida tan

“Waxa lagu wargelinayaa dhamaan bahweynta  ku lug leh hawlaha tamarta in laga bilaabo taariikhda ay soo baxdo wareegtadani ay dhamaan qolyaha ku shaqada leh arrimaha tamarta iyo korontada ay kamid yihiin shirkaddaha laydhka soo saara  kuwa iibiya ama qaybiya kuwa rakiba iyo ururada aan dawliga ahayn inay usoo gudbiyaan wasaaradda,dhisaynkooda iyo technical standards ka ay isticmaalayaan mar ay rabaan inay hirgaliyaan shaqo/mashruuc  csuub, si loo hubiyo inuu waafaqsan yahay Standards ka caalamiga ah. Si loo xaqijiyo badqabka iyo habsamida maalgashiga mashruuca isla markaana looga hortago khasaaraha naf iyo maalba leh”.

Amaradan wasaaradda macdanta iyo tamarta kasoo baxay ayaa ka danbeeyey khilaaf xoogan oo shirkadaha korontada ku dhex maraya mashaariicda ay  ku balaadhiyaan adeegooda,taaso sababtay inuu tartankoodu gaadhay inay gacanta iskula tagaan shaqaalahoodu.