Wax Ka Baro Taariikhda Jilaaga Bollywood Ee Ay Soomaalidu Amadi Ula Baxday

Jilaaga Majaajiliistaha ah ee Bollywood ee John Prakasa Rao Janumala oo loo yaqaano Johny Lever Somalidana caan uga ah magaca #Amadi ayaa waxuu ku dhashay magaalada #Pradesh ee dalka India sanadkii 1956.

Johnny oo ah Boqorka Qosolka iyo majaajilada ee Bollywoodka ayaa jilay ilaa 350 filin oo Hindi ah ayaa Waxa uu ku soo barbaaray magaalada Mumbai, waxaa ku qosla wajiga Johnny cid kasta oo aragta maadaama uu Alle ku maneystay qaabka dadka looga qosliyo iyadoo qofkii uu eegaa aanu qosol isku celin karin.johny-lever-12

Waxuu iskuulka kaga tagay isagoo ah fasalka 7-aad sababo dhaqaale xumo darted kadib markii reerkiisu ay ka baxin waayeen qarashkii Iskuulka, waqtigaas uu Johnny Lever bilaabay inuu xoogsado asigoo caruur yar ah waxaana uu kasoo shaqeeyay dhamaan shaqooyinka, sida isagoo qalimaan ku iibin jiray wadooyinka Bombay isagoo markaas iska dhigi jiray sida jilayaasha Bollywoodka ee Amithab Bachchan iyo kuwa kale si looga iibsado dhamaam alaabooyinka uu iibinayo markaasoo ay dadku qosol la dhici jireen kana iibsan jireen.

Marmarka qaar ayuu Johnny Levver si uu lacag u helo iska dhigi jiray heesayaasha caanka ah isagoo u cayari jiray qoobka cayaarka Elvis iyo Michael Jackson oo kale si loogu qoslo, waxaana maalin maalmaha ka mid aheyd uu shaqo ka helay shirkadda uu aabahiis ka shaqeyn jiray oo lagu magacaabi jiray Lever taasoo uuka sameystay saaxiibo badan maadaama uu ka qoslin jiray waxaana maalin ay ka codsadeen inuu u qabto Comedy ama xaflad majaajilo ah halkaasuu ay dadkii kasoo qeyb galeen ay la dhaceen qosol daran iyadoo ninkii Milkiilaha shirkada oo aad ula dhacay qaabka Johnny uu dadka kaga qosliyay uu ugu magacdaray Johnny shirkada isagoo u baxiyay Johnny Lever.
Johnny Lever waxuu ka qeybgalay bandhigyo xataa qaarkood ay ku kulmeen Jilaaga Amtabh Bachchan waxaana xiligaasi Sanadkii 1982 uu la kulmay Jilaaga Sanjay Dutt oo ay isla keenen filinkii u horeeyay kaas oo kadib uu caan ka noqday dalkaasi waxaana u xigay dilinkii Jalwa oo ay isla keeneen jilaaga Naseerudin Shah, kaas oo Johnny kusoo dhaweeyay badweynta Aflaamta Bollywood.

Johnny lever ayaa ah Jilaa aad u mashquulsan waxaana uu marwaliba ku jiraa sameynta filimada isagoo ka muuqda inta badan aflaamta ugu caansan India, walaalkiis ka yar ayaa isagana ah Jilaa ama majaajiliiste, waxaana Johhny doorkii ugu weynaa uu qaatay ee qosol filinkii Baazigar iyo markuu iska dhigay Micheal Jackson xafladdii abaalmarinta Filimfare ee 1999-kii. Iyo waliba eraydiisii uuku caan noqday filinkii Judaai ee ahaayeen Abba Dabba Jabba.

Waxaa uu leeyahay Johnny xaas lagu magacaabo Sujatha Mohan iyo laba caruur ah oo la kala yiraahdo #Jamie gabadha, iyo #Jesse wiilka,
Johnny lever iyo Xaaskiisa Sujatha.

Raali Galin Salaasadii Oo Aan Ku Balanay Maqaalkan #Alle maanta noo Qoray in aan soo Gudbino Khamiistan Maanta ah

W-Diyaarisay Hawraar Murti & Madadaalo

Exit mobile version