Xisbiga Kulmiye oo Agab Ciyaareed Guddoonsiiyey 10 kooxood oo ka Dhisan Boorama

Boorama (GNN)- Xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa agab ciyaaraha Kubadda Cagta ah ku wareejiyey toban kooxood oo ka mid ah kooxaha ka dhisan magaalada Boorama ee caasimadda Gobolka Awdal.

Agabkan oo ka kooban dirays ay ku ciyaari doonaan 9 kooxood oo ka mid ah kuwa heerka kowaad iyo labaad iyo hal koox ay leeyihiin wiilasha Maqalka ka naafada ah ee magaalada Boorama, kuwaas oo ay soo xushay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu, waxa madal lagu wareejiyey ka qaybgalay xubno saraakiil ka tirsan xisbiga KULMIYE ah, wasiirro, madax ka socotay Wasaaradda Ciyaaraha iyo wakiillo iyo tababarayaal matalayey kooxaha Kubadda Cagta ee la siiyey qalabkan.
Isu-duwaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Mr. Samarroon Cabdillaahi, ayaa uga mahadceliyey xisbiga KULMIYE dhiirrigelinta iyo kaalmaynta uu la barbartaagan yahay da’yarta ciyaaraha, waxaannu sharraxay kooxaha agabkan la guddoonsiyey iyo weliba sida lagu soo xulay, waxaannu yidhi, “Waxaannu dirays Kubadda Cagta ah ku guddoomaynaa xisbiga KULMIYE oo marar horeba ka qaybqaatay sidii dhallinyarada loo dhiirrigelin lahaa, dirayskan oo kaliyana mahaa intii ay xilka hayeen garoomadii oo aad loo cusboonaysiiyey iyo dhammaan tartartannadii gobollada ee heer gobol iyo heer degmo oo marar badan la qabtay. Kooxaha aannu u garanay inaannu agabkan siinaana kumay imanin garasho iyo hebel iyo hebel ee tartankii ugu dambeeyey ee derejada labaad (B) kooxihii xagga sare ka galay ayaa ka mid ah, waxaana noo dheer koox dhegoole-yaal ah oo iyaguna ah horyaalka dhegoola-yaasha Somaliland, waayo waa dad u baahan in la gacan qabto.”
La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dhaqaalaha oo ka mid ah xisbiga KULMIYE Md. Axmed Xasan Carwo oo halkaas ka hadlay, ayaa xusay in ujeeddada uu xisbigu ka leeyahay wareejinta deeqdani ka baxsan tahay siyaasad, isla markaana looga gol-leeyahay sidii da’yarta loogu dhiirrigelin lahaa ciyaaraha, “Waxqabadka KULMYE Gobolka Awdal ka qabtay xagga ciyaaraha waxa ka mid ah in roog la dhigay garoonkii Kubadda Cagta Boorama ee Xaaji Daahir, taasina waxay dhiirrigelin iyo horusocod u tahay da’yarta dalka, xisbigana waxa ka go’an inuu meel sare gaadhsiiyo oo taariikh kaga tago dhallinarada, waxaanay taasi markhaati ka tahay inuu xisbigu mar walba diyaar u yahay wax-u-qabashada dadkiisa iyo dalkiisaba,” ayuu yidhi Axmed Carwo.
Sidoo kale, Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo isaguna ka mid ahaa saraakiisha xisbiga KULMIYE ee agabkan ciyaaraha ah ku wareejiyey kooxaha ka dhisan Boorama, ayaa ka hadlay cugashada kooxahan Kubadda Cagta ah ee loogu talogalay dirayskan iyo sida ay xisbiga uga go’an tahay inuu muhiimad siiyo kor u qaadista tayada ciyaaraha iyo dhiirrigelinta da’yartaba, waxaannu yidhi “Awdal waxa ay ku mutaysatay in xisbiga KULMIYE ku taageero dirayskan, marka hore waa horyaalkii gobollada Somaliland, waana gobolka ay ka dhisan yihiin kooxaha ugu horumarsani, annaguna xisbi ahaan mar walba waxa aannu diyaar u nahay ciyaaraha iyo dhallinyarada labadaba inaannu dhiirrigelino taagi meel ay na dhigtaba, annagana maanta intii naga soo go’day waa intaas, laakiin intaas ku dayn mayno ee waanu idin la dabo taagnaanaynaa.”
Ugu dambayntii, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, ayaa sheegay inay xisbiga KULMIYE caadadiisa tahay inuu ciyaaraha iyo dhallinyarada ahmiyad gaar ah siiyo, waxaannu faahfaahiyey muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin dhallinyarada iyo sida ay u fududeeyaan is-dhexgalka bulshada, “Dhawr jeer oo hore ayaa jirtay oo ay xukuumadda xisbiga KULMIYE hoggaaminayaa ay agab badan guddoonsiisay kooxaha gobolka aad iyo aadna dhallinyarada iyo ciyarahaaba waanu u danaynaa, dirayskanna xisbiga KULMIYE oo uu guddoomiyuhu ugu horreeyo oo hadda Gobolka Awdal joogaa aad iyo aad baanu uga mahadcelinaynaa, ciyaarahana dhallinyaradaa isku dhexgasha oo wiilka Boorama joogaa waa inaannu qariib ku noqonin Xaysimo oo uu dhallinta halkaas joogta asxaab ku yeeshaa,” ayuu yidhi wasiir Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin.

Xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE, ayaa ahmiyad wayn iska saaraya horumarinta ciyaaraha iyo dhallinyaradaba, waxaannu muddadii uu hayey xilka dalka uu kor u qaaday sumcadda iyo milgaha ciyaaraha, iyadoo horumarin lagu sameeyey garoomada magaalooyinka dalka, isla markaana dhawr jeer la qabtay tartamada ciyaaraha gobollada dalka oo kii u dambeeyey uu si guul ku dhammaaday bishii hore ee November oo xulka Awdal uu ku guulaystay tartankii Kubadda Cagta.