Xisbiga Kulmiye Oo Wadani Ku Eedeeyay In Kulan Qarsoodi Ah AynLa Yeesheen Ra’isal Wasaaraha Somalia

Hargeisa(GNN):-Xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa dhiggiisa mucaaridka ah ee WADDANI ka codsaday inuu bulshada u caddeeyo kulamo qarsoodi ahaa oo magaalada Nairobi ku dhex maray wafti uu hoggaaminayo guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro) iyo saraakiil kaitrsan xukuumadda Muqdisho oo uu kamid yahay Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid.

Shir jaraa’id oo Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali(gaafaadhi) maanta Hargeysa ku qabtay, ayuu hoggaanka xisbiga WADDANI kaga dalbaday inuu caddaymo dheeraad ah ka bixiyo kulankaas oo warbaahinta Kenya intooda badani ku sheegeen in labada dhinac kaga wada-hadleen sidii mustaqbalka loo midayn lahaa Somaliland iyo Soomaaliya haddii uu xisbiga WADDANI ku guulaysto doorashooyinka soo socda.
Afhyeen Xasan Maxamed Gaafaadhi oo arrimahaas ka hadlaya, ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidatan,“Waxa muddooyinkan dambe bulshada reer Somaliland isweydiinaysay safarkii madaxda xisbiga WADDANI ku tageen dalka Kenya oo ay su’aalo badani kasoo noqonayeen, imikana ifafaale iyo warar cusub oo warbaahinta dalka Kenya ay qorayaan ayaa ina soo gaadhaya, waxana ay taasi muujinaysaa in guddidaas oo ah hoggaankii xisbiga WADDANI ay la kulmeen xubno kamid ah dawladda Muqdisho oo uu kamid yahay ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid, kana wada hadleen sidii mustaqbalka haddii uu xisbigaasi ku guulaysto doorashada loola midoobi lahaa Soomaaliya.”
Afhayeenku waxa uu usoo jeediyey hoggaanka xisbiga WADDANI inay taageerayaashooda iyo bulshada kale ee reer Somalilnad-ba u caddeeyo wixii kulamadaas qarsoodiga ah lagaga wada-hadlay, isaga oo intaas raaciyey in wixii kasoo kordha kulamadaas ay bulshada la wadaadi doonaan,“Waxa aynu ognahay in xisbiga WADDANI taageerayaashiisa ballaadhani ay yihiin dad reer Somaliland ah oo ku gawracan qaddiyada Somaliland, xisbiguna xisbi qaran oo axsaabta Somaliland kamid ah uu yahay, waxana aanu leenahay hoggaanka xisbiga WADDANI bulshada reer Somaliland iyo taageerayaashiisaba ha u caddeeyo waxyaabihii ay halkaas la tageen, ciddii ay la kulmeen, wixii ay ka wada hadleen iyo arrimaha ay warbaahinta Kenya qorayaan waxa ka jira, intaas wixii ka dambeeyana waxanu warbaahinta soo siin doonaa wixii warar ah ee arrintaas kasoo kordha” ayuu yidhi afhayeen Xasan Gaafaadhi.
Warbaahinta Kenya, ayaa maalmahan soo bandhigaysay faahfaahinno kasoo baxay kulamo xogtooda la daahay oo hoggaanka xisbiga WADDANI magaalada Nairobi kula yeeshay siyaasiyiin xukuumadda Muqdisho katirsan, kaas oo lagu lafo guray sidii midnimada Somaliland iyo Soomaaliya midnimadooda looga shaqayn lahaa haddii uu xisbiga WADDANI ku guulaysto doorashooyinka madaxtinimada ee dalka ka qorshayn sannadda 2017-ka.
Dhinaca kalena waxa uu afhayeenku ka hadlay dhaawacyo habeenno dhaweyd magaalada Hargeysa loogu geystay xubno katirsan xisbiga WADDANI, isaga oo caafimaad u rajeeyey ciddii dhibtaasi gaadhay, isla markaana hay’adaha ammaanka ka dalbaday inay dedaal geliyaan sidii loosoo qaban lahaa cidda dhibaatadaas geysatay, “xubnihii katirsanaa xisbiga WADDANI ee ayaamihii aynu soo dhaafnay goor habeennimo ah dhaawacyo loogu geystay magaalada Hargeysa aad iyo aad baanu uga xunnahay, ilaahayna waxanu ka rajaynaynaa gacan ka xaq-daran baa wax-yeeshaye inuu caafimaad degdeg ah siiyo, ciddii og wixii wax u geystayna waaa inay sheegaan, ciddii aan ogayna waa inay hay’adaha amaanka ka caawiyaan sidii loosoo qaban lahaa dadkaas,”ayuu yidhi afhayeen gaafaadhi.