Xisbiga Waddani Oo Soo Dhaweyn U Sameeyey Haween Weynaha Beelaaha Dega Koonfurta Hargeysa Iyo Degmada Salaxley.

Hargeisa(GNN):– Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu maanta xaflad

soo dhaweyn ah u sameeyey haween weynaha beelaha dega Koonfurta magaalada Hargeysa iyo degmada Salaxley

 

Munaasibada xafladan ayaa waxaa ay ka dhacdey hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa waxaana ka soo qeyb galay saraakiisha sar sare ee xisbiga Waddani oo uu ugu horeeyo Musharax Cabdiraxmaan Ciro , Xildhibaan ,dhalinyaro iyo haweenka beelaha Daa,uud Ismaciil.

Sidoo kale waxaa xafladan ka soo qeyb galay xubno k amid ah xubnihii aqlabiyada garabkii Jamaal Cali Xussen oo iyagu hore u sheegay in ay ku biiren xisbiga Waddani

Ugu horeyn waxa madasha ka hadley xubno ka mid ah haweenka beelaha Ciidagle waxaana ay goobta ka sheegen in ay hiil iyo hooba la garab taagan yahiin xisbiga Waddani isla markaana waxaa ay si gaar u Xusen hadii uu musharaxii UCID aqoonyahan Jamaac Cali Xussen warbaahinta ka sheegay in ay Muuse Biixi geelu isku jiro ay iyaguna sheegayaan In Cabdiraxmaan Ciro Dhiigu isku jiro waa sida ay hadalka u dhigeene .

Dhankooga waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Madaxdhaqmeed ay ka mid yihiin Boqor Raabi Yuusuf Suldaan Cado Gude, Jiif caaqil Rashiid Jaambiir Oo Dhamaantoodo ka so jeeda Koonfurta Bari Ee Magaalada Hargeysa Waxayna shegeen in ay Tageero hiil iyo hooba la garabtaaganyihiin Xisbiga Waddani .

Waxaa iyaguna madasha ka hadley qaar ka mid ah masuulyiinta xisbiga Waddani oo ay ka mid yahiin Siyaasi Siciid Sulub, Siyaasi Ismaciil Hure Buubaa Xildhibaan Baar musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbigaasi Amp Maxamed Cali iyo masuulyiin kale oo ka tirsan xisbigaasi waxaana ay Shegeen in ay soo dhawaynayaan Haweenkan Maanta Ku Soo Biiray xisbiga Waddani isla maraana ay noqon Donaan Haween ka mid noqda dadka talada xisbiga Gooya.

Gabo gabadii waxa halkaasi qudbad soo dhawayn ah ka jeediyay Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro waxaana uu sheegay in ay si kal iyo laaba u soo dhawaynayaan Haween Weynahan ka soo jeeda koonfurta bari ee Magaalada Hargeysa Iyo sido Kale Dagamda Salaxley.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

Exit mobile version