Xoghayaha Cadaalada Xisbiga Wadani Barkhad Jaamax oo Xalay Niman Aan La Garaneyn Feedh Ku Garaaceen..

Xoghayaha Cadaalada Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Aqoonyahan Barkhad Jaamac Batuun ayaa, caweysinkii Xalay koox aan la aqoonsani weerar gaadmo ah oo qaawan islamarkaana, dhaawacyo loogu geystey kadib markii laba nin oo aan la garaneynin weerarkaas ku fuliyeen badhtamaha faras Magaalaha Hargeysa isagoo xiligaa kasoo baxey Xafiiska Akadamiga Beelaha Gabooye oo kuyaala gudaha Caasimada.

Weerarkan lala beegsadey aqoonyahan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun Xoghayaha Cadaalada Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani oo ay kasoo gaadheen dhaawacyo wajiga iyo dhafoorada loogu geystey,waxa uu in badan ku mitidey in uu iska difaaco labadan nin oo Soo gaadhsiiyey dhaawacyo kasoo gaadhey qeybaha kale ee jidhkiisa ilaa iyo haatana majirto talaabo dhinaca Ciidamada amaanku kaga jawaab celiyeen falkaa foosha xun ee lala beegsadey masuul sare oo katirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani,inkastoo Huteelada waaweyn ee Caasimada Hargeysa iyo goobaha ay ku kulmaan dadweynuhu si weyn loogu hadalhayey caawa dhacdadan

Aqoonyahan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun Xoghayaha Cadaalada Xisbiga Wadani oo kamid ah xubnaha ugu firfircoon ee Xisbigaasi ayaa barta uu ku leeyahey Facebook soo dhigay dhacdadan weerarka gaadmada ah ee lala beegsadey isagoo ku sugan gudaha faras Magaalaha Caasimada Hargeysa oo ay usoo badheedheen laba nin oo aanu garaneyn.

“Alxamdulillaah, Alle ayaan mahadinayaa sidaad rabteen ka dhigi waayey quwad iyo qawl nacasyo kaste aan isaga celiyo Alle waa I siiyey labaad soo dirteene 10 ka dhiga bal inaan xaqa ka aamuso. Hargeysa waynu wada joognaa shilin ima gooyo runtana kama baqo tanna I cabsi galin mayso hortiin jiraba igu daal. Waan lugeeyaa waanan lugeynayaa waa inoo Hargeysa weyn caawa calafkeeni kala qaadnay wixii idin gaadhay iyo waxaad ila rabteen”Ayuu hadal kooban oo qoraal ah ku yidhi Barkhad Jaamac Xirsi Batuun Xoghayaha Cadaalada Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani.

Falalka amni daro ee noocan ah ayaa dhaawac weyn ku ah guud ahaanba xasiloonida iyo Nabedgalyada Somaliland.

Dhacdadan iyo halka ay ku sal leedahay waxaanu idiinku soo gudbin doonaa wararkayaga dambe.

Log1