Xukuumada Somaliland Oo Jeelka U Taxaabtay Sariflayaal Badan + Sababta Xadhigooda Keentay Iyo Dareenada Kala Duwan Ee Ku Xeeran

Hargeisa(GNN):-Xukuumada Somaliland ayaa jeelka u taxaabtay in ka badan toban sarifle ka-dib markii ay ka soo horjeesteen go’aankii ay xukuumadu ka soo saartay kor u kaca sarifka lacagaha.

Waxaanay sariflayaashani ku sarifayeen saaka halka dollar siddeed kun oo shilinka Somaliland, halka qaarkood kalana ku sarifayeen todoba kun oo shilin.

Ciidamada booliiska Somaliland oo saaka arinttani siweyn uga hawl galay ayaa ku guuleystay inay soo qabato jeelashana u taxaabto sariflayaal, ku gacan sadhey oo diiday go’aankii xukuumada

Hadaba xukuumada Somaliland ayaa go’aan maalinkii shalay ahaa ka soo saartay kor u kaca safirka iyada oo go’aamisay in halka dollar lagu sarifo todoba kun oo shilin.

Waana markii ugu horeysay ee go’aan xukuumada Somaliland ay soo saarto lagu dhaqmo, iyada oo badi dadweynaha suuqyada waa weyn ee Somaliland ay siweyn u soo dhaweeyeen go’aankan geesinimada leh ee ay qaaday xukuumada Somaliland.

Xukuumada Oo Go’aamo Ka Soo SaartayKor U KacaSarifkaLacagahaQalaad Si Shilinka Somaliland Qiima U Yeesho

Waxaanay sheegeen dadweynuhu inay aad ugu farxeen go’aankan kuna garab taagan yihiin xukuumada iyo cidkasta oo wada talaabo kasta oo noocana.