Hargeysa(GNN)-Ciidamada laanta socdaalka Somaliland ayaa hawlo galo ay ku qabqabanayaan dadka ajaanibka ah ee sifada sharci darro-da ah ugu jooga dalka ka bilaabay gudaha magaalooyinka Somaliland..
Hawlgaladan ay bilaabeen ciidamadu Ayaa kusoo beegmaya wakhti dalka Somaliland ay buux dhaafiyeen dad ajaanib ah oo sifo sharci darro ah kusoo galay,waxaana uu hawlgalkani daba socdaa hawl galo ay sameeyeen dhawaan oo ay ku qabqabteen dad tiro badan oo sifo sharci darro ah u jooga dalka Somaliland kuwaas oo ay badankoodii dib ugu celiyeen wadamadii ay ka yimaadeen,waxaana dadkaasi u badnaa dadka kasoo jeeda qoomiyadda Oromadda oo iyagu si qarsoodi ah dalka kusoo gala.
Dhawaan ayay ahayd markii ay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday in dalka laga saari doono cid kaste oo ajaanib ah isla markaana aan haysan warqadii quxuuntiga ama dal kusoo galka oo ku dhex sugan gudaha dalka Somaliland.
Gabagabadiina Bulshada Somaliland ayaa iyagu aad usoo dhaweeyey talaabadan ay qaadeen ciidamada laanta socdaalka Somaliland ee ay dalka kaga saarayaan dadka ajaanibka ah ee sifada sharco darrada ah ku jooga wadanka ugana dhex shaqaysta.